Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin– Qarax lala beegsadey Gawaari galaysey Garoonka Aaden Cade Airport

$
0
0

Gaari laga soo buuxshey waxyaabaha qarxa uuna watay qof naftii halige ah ayaa lagu qarxiyey Gawaari loo badinayoWar-Deg-Deg-ah iney Qaramada Midoobey leeyihiin oo galayay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wararka soo garay Puntlandi.com waxay sheegayaan in illaaladii Gawaarida la weeraray ay ku dhinteen Dhowr ka mid ah iyo Dad rayid ahba.

Gaariga Loo adeegsadey Qaraxa wuxuu ahaa mid ismiidaamin ah oo si toosa loogu dhex qarxiyey Gawaarida la weeraray, weerarkuna wuxuu u muuqdey mid aad loosoo qorsheeyey.

Naftii haligayaasha Qaraxa fukliyey waxaa loo badinayaa inuu hal qof lagase yaabee iney intaas ka badnaayeen, Walise waxfaahfaahin ah lagama bixin.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaan nawaaxigiisa ilaa Xalene iyo Xreebta u dhow Garoonak Diyaaradaha waxaa amaankooda gacanta ku haya Ciidamo kala duwan oo ka socda Beesha Caalamka, Amisom ayaa si rasmi ah ugu magacaaban amaanka deegaankaas, lakiin waxaa jooga Ciidamo qaarkood Calooshood u shaqaystayaal yihiin oo shirkado soo kireysteen, waxaa iyana ku sugan deegaankaas Ciidan Maraykan iyo Ingiriis ah oo aan si Official ah u joogin halkaas.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles