Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Video: Gudoomyaha Degmada 6′aad Ee Magaalada Minneapolis oo bixiyey Wareysi Xiiso leh

$
0
0

Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee Magaalada Minneapolis Mudane Abdi Warsame ayaa waraysi siiyey Televisionka Kalsan TV, islamarkaana ka warbixiyey xiisadaha siyaasadeed ka taagan Magaalada cabdi warsameMinneapolis iyadoo waraysigani uu noqonaayo waraysiyadii ugu horeeyey uu saxaafada siiyey tan iyo goortii la dhaariyey.

Abdi Warsame ayaa ugu horayn ka warbixiyey dabkii ka dhacay xaafaday Cedar bishii hore, isagoo u tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi, tilmaamayna in xafiiskiisi gacan ka gaystay in adeegyo loo helo dadkii qasaaraha kasoo gaaray dabkaasi. “Waxaan ka kaashanay Hennepin County Commissioner Peter Mclaughlin iyo Siad Ali ee xafiiska Senator Amy Klobuchar iyo ganacsatada magaalada in gurya iyo documentyado loo helo dadkii guryahooda gubtay,” ayaa kamid aha hadalidiisi.

Mar la wadiiyey sababta uu shaal Somaali iyo koofiyada Islamka u xirtay munaasabadii xilka loogu dhaariyey ayaa wuxuu ku jawaabay; “Waxaan rabay inaan muujiyo sida dhaqankaygi iyo diintaydi iila wayntahay iyo inaan ku faraxsanahay inaan ahay Muslim iyo Somaali,” ayuu yiri Abdi Warsame.

Abdi Warsame ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ka xunyahay shaqaaqadii ka dhacday xaafada Cedar, talaadadii hore taarikhdu ahayd February 4th 2014. “Waxay ahayd nasiib daro in xulashadii ergooyinka la baajiyey mid kamid ah goobihii ergo xulashada (Caucus), isqab-qabsi awgeed. Waxaan sidoo kale aad uga xumahay xiisadaha ay abuureen isqab-qabsigaasi iyo jah wareerka isfaham daradaasi abuurtay,” ayaa kamid ahaa hadaladiisi.

Mar la waydiiyey in hurguf ay u dhaxayso isaga iyo nin Somaali tartamaayo oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur ayaa wuxuu ku jawaabay; “Waxaan u cadaynayaa dadwaynaha Somaaliyeed in aan soo dhawaynayo dhalinyarada Somaaliyeed ama muwaadin kasta oo doonayo inay isu sharaxaan xilalka siyaasadeed ee gobolkaan Minnesota ama guud ahaan dalka Mareekanka.”

Abdi Warsame ayaa sidoo kale raaciyey in uu horay Maxamuud nuur u taageeray, albaabna u garaacay, lacagna u uruuriyey, islamarkaana aysan jirin wax uu uga horyimaado maanta.
Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis ayaa isla waraysigani ku lafa guray qorshihiisi sanadaha soo socda iyo arimo kaloo badan.

Hoos ka daawo waraysiga


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles