Gawaari Xamuul iyo kuwo Rakaab isugu jira oo u socda Koonfurta Soomaaliya ayaa maalmahan waxay ku xanibnaayeen Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay meleeshiyo Galmudug ahi ay xireeen oo isbaaro dhigteen meel Cadaado u jirta 25 KM.
Gawaarida oo maanta kor u dhaafey Boqol gaari oo ka yimid ilaa Bosaso waxay badan koodu u socdeen lagana leeyahay Gobolka Hiiraan, Waxaana saaran Badeeco iyo raashin.
Darawaliint Gawaaridaan ayaa Gaalkacyo Dhigey Gawaaridooda baqdin ay ka qabaan Maleeshiyada xirtey jidka awgeed.
Darawaliintu waxay sheegeen in jidka u dhexeeya Gaalkacyo iyo Cadaado ay jidgooyo dhigteen Maleeshiyo kasoo jeeda Galmudug ayna hada gacanta ku dhigeen Gawaari maraysay wadada.
Baabuurta hada hoganaya Koontaroolka Magaalada Gaalkacyo qaarkood waxaa saaran Dad rakaab ah oo caruur iyo Haween ku jiraan.
Maamulka Koonfurta Gaalkacyo oo ay hoos yimaadaan deegaanada dhibku ka jiro ayaan ilaa hada ka hadlin, iyadoo xitaa waxgaradka Koonfurta Mudug aysan wax talaabo ah qaadin.
Meesha ay Isbaarada dhigteen maleeshiyaadku waxay Gaalkacyo ka xigtaa qiyaastii 75 km dhanka Cadaado, Waana deegaan ka baxsan dhulka Puntland.
Maamulka Ximin iyo Xeeb oo iyana ka taliya Cadaado wax jawaab ah kama bixin dhibka soo food saarey gawaarida xamuulka.
Darawaliinta ayaa qaylo dhaan u dirsadey Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka balse wali dhinacna kama hadlin.
Ma jiraan ilaa hada Gawaari laga leeyahay Puntland oo gacanta u gashey maleeshiyada jid gooyada dhhigtey.
Puntlandi
Gaalkacyo