Isniin, Garowe, 10, 02, 2014- Gollaha wasiiradda Puntland ayaa maanta ku yeeshay Garowe shirkoodi todobaadlaha ahaa ee ugu horeeyay, waxana shir gudoominayay madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kulanka ayaa warbixino looga dhagaystay wasiiradda qaabka ay ula wareegeen xilalka todobaadkii tagay, iyadoona sidoo kale laga hadlay sugida amaanka iyo siyaasada guud ee xukuumadu ku shaqaynayso.
Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu soo dhamaaday saxaafada la hadlay isagoo ka warbaxashay shirkii goluhu yeeshay, waxana uu sheegay in wasiiradii hore iyo kuwa cusuba si wanaagsan ula kala wareegeen xilalka.
Waxa uu ka hadlay Dr. Cabdiweli Gaas hawsha xukuumadda oo si wanaagsan u bilaabmatay iyadoo bishan ay heleen shaqaalaha dowladda iyo ciidamaduba mushaharaadkoodi. Madaxweynuhu dadweynaha waxa uu ka codsaday in fursad loo siiyo xukuumadda sidii ay hawlaheeda u gudan lahayd.
’’Maadaama ay shaqadii bilaabmatay waxaan rabnaa in fursad na loo siiyo inaan dadka u shaqeyno oo wakhtiga aana looga qaadin booqasho iyo qaabilaad, wasaaradihii wa shaqo bilaabeen qofkii dan dowladdeed leh inuu aado xafiisyada ay khuseyso ayaa la doonayaa, xiliyo cayiman ayaan ugu talo galnay qaabilaada iyo wixii jira oo macluumaad ah inaan la qaybsano dadweynaha’’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka digay in lagu takrifalo hantida dowladda oo ah mid umadda ka wada dhaxeysa, iyadoo uu xusay inay jiraan hanti aan weli lagu soo wareejin dowladda sida gaadiid wasaaradaha qaarkooda.
Kulankii wasiiradda maanta ayaa waxa lagu dhaariyay wasiiradda qorshaynta iyo Beeraha kuwaasi oo dalka dibadiisa ku maqnaa xiligii la dhaarinayay wasiiradda, iyagoona dhowaan hortagi doona Barlamanka si loo ansixiyo.