Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

DHAGAYSO–Ceebay tacaal Bare Hiiraale oomsheegtey inuu Ciidanka Dowlada yahay kana war sugayo Villa Soomaaliya

$
0
0

Shalay waxaa la shaaciyey in Goobweyn ay duqeeyeen Cidanka Kenya, Duqayntaas ka dib waxaa saxaafada La hadley Xasan Qaasin oo ah afhayeenka Bare Hiiraale iyo Ciidankiisa, Xasan Qaasim wuxuu sheegey in Ciidanka uu afhayeenka u yahay ay yihiin Ciidankii Dowlada Ee Xooga looga soo saarey Kismaayo, wuxuu kaloo sheegey in KenyamShalay soo weerartay Ciidanka.

Wuxuu yiri “Ciidanka Dowlada Federaalka ee ku sugan Goobweyn waxaa shalay soo weeraray Kenya oo gantaalo Markab lagasoo ridey kusoo tuurtey,khasaarana nama soo gaarin”.

Mar wax laga waydiiyey sababta ay Ciidanka Dowlada Federaalkamu joogaan Goobweyn wuxuu yiri “waaan u joognaa inaan Kismaayo ku noqono oo weerarno balse waxaan amar ka sugaynaa Dowlada Federaalka ah oo amaamiirtey na farto ayaan Fulineynaa”

Mar wax laga waydiiyey Ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo wuxuu ku jawaabay, “Ciidanka Kismaayo jooga sharci daro ayay ku joogaan iyaga ayaan weeraraynaa”

Afhayeenka Bare Hiiraale wuxuu Cadeynayaamin Dowlada Federaalka iyo Al-shabaab isu kaashanayaan weerar lagusoo qaado Kismaayo, Bare Hiiraale wuxuu horey u sheegey in Ciidankiisa iyo Al-shabaab ay halmowqif wada leeyihiin kasoo ah in Kenya lala dagaalamo.

Hadalka Afhayednka Ciidanka jooga Goobweyn ee Kofneyl Bare Hiiraale sida uu afhayeenku sheegey waxayahaa Amar lagu weerararo Kismaayo ay kasugayaan Villa Soomaaliya, hadalkaan wuxuu qarxinayaa sir culus oo ah in Ciidanka Goobweyn jooga oo ah Ciidanka Dowlada Federaalka ah uuna hogaaminayo Bare Hiiraale iyo Ciidanka Al-shabaab ay isku biiren.

Hoos ka dhagayso hadalka afhyeenka

HADUU KAN KUU DAARMI WAAYO RIIX HALKAAN


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles