Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Warbixin—Maxaa ka jira wararka sheegaya in Khilaaf u dhexeeyo Madaxda Villa Somaliya iyo iney laba koox ukala jabeen

$
0
0

Nairobi–23 Luuliya,2013–puntlandi.com– Ka dib markii Dowlada Federaalku ay ku guul dareysatey weerarkii Jubaland waxaa soo baxayay warar kala duwan oo Saxaafadaha Soomaalidu qaarkood baahiyeen halka qaar kalena ay Odorosayeen xaalka yaal Villa Soomaaliya, waxaana wararka ugu badnaa ee la isla dhexmaray ay ahaayeen in Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raysal wasaraha iyo in Wasiiradii kala raaceen labada masuul.

Howlwadeenada Puntlandi ee Dhinaca Dublamaasiyada ayaa arintaan baaritaan qodo dheer ku sameeyey waxaana xaqiiq ah in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Raysal wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon uusan jirin Khilaaf dhex yaal xiligaan lakiin waxay si aad ah ay ugu kala aragti duwan yihiin Arimaha Jubaland oo markii hore heshiis hoosaad ay kuwada galeen labada Masuul in Kismaayo ay hoos timaado Villa Soomaaliya sida looga hirgalinayo maamul laga magacaabay Villa Soomaaliya waxaa qorshahaas shafka u tuntay inuu hirgalinayo Raysal wasaare Saacid ka dib markii uu Qorshe cad soo hor dhigey Madaxweyne Xasan Sheikh, aad ayuu Madaxweynuhun ugu riyaaqay arintaas, Waxayna wada jir u bilaabeen Howlgalkii Lagu weeraray Kismaayo.

Laba jeer ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh, Raysal wasare Saacid, Wasiirada Gaashaandhiga iyo kan Arimaha Guduhu waxay isla meel dhigeen laba qorshe oo lagu burburinayo Shirkii Kismaayo ka socdey, midu wuxuu ahaa qorshe la doonayay in Dhaqaale lagu furfuro Kooxaha ku shirsan Kismaayo waxaana Kismaayo yimid Raysal wasare Sacid oo arintaas loosoo xilsaarey lakiin kuma uusan Guuleysan ka dib markuu magaalada joogay dhowr maalmood.

Qorshaha kale ayaa ahaa mid loosoo xilsaarey Wasiirka Gaashaandhiga Cabdikariin Xaaji Fiqi wuxuu qorshahaas ahaa isna mid lagu furfurayo Siyaasiyiinta iyo Odoyaasha Taabacsan Axmed Madoobe iyo Xulufadiisa, Haday dhacdo tii ku dhacdey Raysal wasaaraha oo ahayd in qorshaha furfuridu socon waydo, wuxuu Wasiirka Gaashaandhigu dhaqaalaha u adeegsanayay Hurin Dagaal si Magaalada amaanekeedu u noqdo mid aan la isku halayn karin, taasna waa tii dhalisey Dagaalkii Kismaayo ka dhacay, oo kooxdii taabacsaneyd Wasiirka loo tuurey banaanka Magaalada.

Waxaa cad in Villa Soomaaliya ay hada quus ka istaagtey faragalinta Jubaland lakiin wali waxaa jira isbahaysi ka socda Xafiiska Raysal wasaraha oo doonayay in talaabo kale la qaado lakiin talaabadaas waxaa ka baqay Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuuna si cad ugu sheegey Raysal waaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga iney faraha kala baxaan Arimaha Jubaland ilaa Xafiiska Madaxweynuhu go`aan arintaas ku saabsan ka soo saarayo.

Kulan sabtidii 20 bishaan Luuliyo ka dhacay Villa Somaliya ayaa Madaxweynuhu ka codsadey Raysal wasaaraha iyo Wasiirada Iney faraha kala baxaan Ariamaha Jubaland iyadoo Madaxweynuhu uu war cad kasoo saari doono Mowqifka DF ee Jubaland ka dib markuu la tashado Wasiirkiisa Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir oo Arimaha Dublamaasiyada ee Jubaland u Xilsaaran Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa maalmahaan si aada hoos ugu dhacay Sumcadii Dowlada Federaalka ah, Kooxda Xafiiska Madaxweynaha waxay eeda Saarayaan Xafiiska Raysal wasaaraha inuu sabab u ahaa Guul daradii Jubaland iyo xumaashaha Xiriirka Villa Somalia iyo Dowlada Kenya, Arimahaasoo Dhaliyey waleal siyaasda Dibada ah, waxaa iyana maalmahaan soo baxay in tabar xumada Dowlada federaalka ah ay sabab u tahay walwal xoogan oo uga yimid dharbaaxooyin dhowra sida Dagaalkii kismaayo, Xiriirka wadamada Dariska oo si aan looga fiirsan loo xumeeyey iyo Dhaqaale la`aan xoogan oo haysata Dowlada Federaalka ah, Beesha Caalamka oo aan sidii hore hada ugu jajabnayn Villa Somaliya iyo Kooxo isku urursanaya Nairobi oo Xasn Sheikh Mucaarad ku ah.

Arimahaan oo idil oo isbiirsadey ayaa sababay in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysal wasaare Saacid ay ku kala aragti duwanaadaan arimo dhowra lakiin ma jiro Khilaaf u dhexeeya labada dhinac mana dhici karto in khilaaf soo kala dhex galo Madaxweynaha iyo Raysal wasaraha sababtoo ah, Raysal wasaraha shaqadiisu waa kooban tahay, awoodiisana aad ayay u yartahay.

Golah wasiiradu waxay aamin san yihiin in shaqada Raysal wsaraha ay qabato Wasiirad Arimaha Dibada Fowsiyo Xaaji, dhinaca Xafiiska madaxweynahana sida loo ixtiraamo Fowsiyo looma ixtiraamo Raysal wasaraha, waxaa labadooda la qadariyaa Wasiirada, waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha.

Puntlandi.com

Puntlandi Editorial
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508