Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Kismaayo ninkii Qori wata oo aan Ciidanka ahayn waa toogasho

$
0
0

Howlgalkii xooganaa ee magaalada Kismaayo ka bilowdey Todobaadkii hore waxaa lagu guuleystey in magaalada laga sifeeyo Maleeshiyo beeleedyadii, Tuugadii iyo Dambiilayaashii yaryaaraa ee amaanka magaalada khatarta ku ahaa labaatankii sano ee lasoo dhaafey, Howlgalka ay Ciidanka Amaanku sameeyeen wuxuu kii ugu xooganaa oo noociisa ah oo laga sameeyo Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna ku dhamaadey Guul.

ugu yaraan kun Qori ayaa ciidanku soo qabteen,waxaana howlgalka ilaa hada ku dhintey hal Qof, Qofka dhintey ayaa ahaa nin magaalada laga yaqaaney oo ka mid aha ameleeshiyaadka Dambiyada yaryar gala, waxaana toogtey Ciidanka Amaanka.

Howlgalku ma ahan mid dhamaadey balse wauxuu u muuqdaa in laga gaarey ujeedadii laga lahaa, waxaa sidaas yiri Axmed Suleymaan oo ciidanka ka tirsan.

Waxaa Magaalada gabi ahaan laga manuucayaa in hub lagu qaato magaalada dhexdeeda, Qofkii Ciidanku ku arkaan isagoo hubeysan waxay Ciidanku amar u heystaan iney Awood u isticmaalaan, tasoo macneheedu yahay iney Ciidanku toogan karaan shaqsigii hub ku dhexqaata magaalada isagoon Ciidan ahayn.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles