Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta Muqdisho gaaray ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed, ka dibna waxay tageen Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweyne Gaas ayaa kulan gaaban oo salaan ah la qaatey Madaxweyne Xasan Sheikh ka dibna wuxuu kulan salaan ah oo akle la qaatey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.