Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfahin Itoobiya oo Ciidankeeda Koonfurta Soomaaliya isugu keeneysa Jubaland si Al-Shbaab looga xoreeyo

$
0
0

Adis ababa 23 Luuliya, 2013– Puntlandi– Warar Dublamaasiyadeed oo Todobaadkii hore heleen Puntlandi ayaa sheegayay in Wasaarada Gaashaandhiga Itoobiya ay qorshaynayso in Ciidamada Itoobiya ee jooga Bay iyo Bakool ay u guuri doonaan Jubaland, xili uu madaxweyne Xasan Sheikh ka codsadey Itoobiya in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Baydhabo waakan warkii aan daabacney 18 bishaan ee linkska hoose ka akhriso

http://puntlandi.com/xog-aan-helney-madaxweyne-xasan-sheikh-oo-itoobiya-ka-codsadey-iney-ciidankoodu-sii-joogaan-soomaalia-maxaa-loogu-jawaabey/

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya ayaa isna dhiniciisa sheegey in Ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan Baydhabo isagoo ku macneeyey in Bixitaanku uu yahay mid ay Amsiom ogtahay, Wuxuu Yiri “Ciidamadayadu wuxuu qorshuhu ahaa iney mar hore ka baxaan Baydhabo sababtoo ah amaanka magaalada iyo nawaaxigeedu waa dagan yahay, marka Ciidanka waa in la geeyaa goobaha ay Al-shabaab ku xoogan yihiin, dhinaca kale  Baydhabo waxaa amaankeeda ku wareejiney Amisom hadii ay noo baahdaana waan usoo laabanaynaa.”

Safarkii Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu ku tagay Adis ababa iyo Safarkiisii Nairobi ayaa waxaa ka dhashey balan qaadyo ay labadaan Dal ee aan Dariska nahay ay u balan qaadeen Jubaland kasoo ahaa in laga caawin doona Xoreynta iyo Dib u dhiska Jubaland, Itoobiya waxay Balan qaadey in ay Al-shabaab ka xoreynayaan Gobolka Gedo guud ahaan , Gobolka Jubada dhexa na ay Ciidamada Kenya ka caawin doonaan sidii Al-.shabaab looga saari lahaa.

Waxaa iyana jira Tababar loo sameynayo Ciidanka Jubaland kasoo hada bilowdey ugu yaraan 2000(Laba kun) oo Asgari ayaa bilaha soo socda Jubaland loo tababarayaa, kuwasoo xoogoodu ku wajahan yahay Gobolada Gedo iyo Jubada dhexe.

Puntlandi.com

Adis ababa

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles