Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Mudane CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa tacsi ka diray allaha u naxariistee geeridii ku timi Abuukaate Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ka mid ahaa odayaashii wax ka dhisay Puntland.
Dr. Farole waxa uu alle uga baryay inuu ka samir siiyo ehelkii,qaraabadii iyo dhamaan dadkii uu ka baxay,wuxuna ku tilmaamay halyeey Soomaaliyeed oo la xasuusan doono waxyabaha uu soo qabtay.
”Abuukaate Cabdicasiis Nuur Xirsi waxa uu ahaa nin caan ah oo siyaasi ah kana soo mid noqday baarlamaankii Somalia,qaybna ku lahaa dhismihii Puntland 1998-illaahay ha u naxariisto.
Marxuum Cabdicasiis Nuur Xirsi ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday magalada Boston ee wadanka Maraykanka,wuxuna ahaa sharci yaqaan si wayn gudaa dalka iyo dibada looga yaqaanay.