Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin– Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka oo Madaxweyne Xasan sheikh ku sifeeyey Hogaamiye liita

$
0
0

clapper
Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka James Clapper oo ay Sanete-ka Maraykanka warbixin ka dhagaysteen ayuu u sheegey in Al-shabaab khatar xoogan oo aan la dhayal san karin ay ku hayaan Wadamada Soomaaliya Daneeya, gaar ahaa kuwa Dariska.

James Clapper oo arbacadii 29.janaayo ay u yeereen Gudiga Arimaha sirdoonka Maraykanka ee Aqalka Sanete-ka ayaa warbioxin dheer wuxuu ka bixiyey Amaanka Geeska Afrika, wuxuuna yiri “Wadamada Bariga afrika way ku dhibtoon naan doonaan iney maareeyaan a,a ilaaliyaan Bartilmaameedyada iyo weerarada ay al-shabaab maleegayaan “

James Clapper wuxuu raaciyey isagoo digniin adag diraya “Al-Shabaab waxay maanta awoodaan iney weeraro ka fuliyaan Dalal kale oo ay kamid yihiin marka laga tago Wadamada Soomaaliya Dariska la ah, wadamada Ugandha iyo Brundi oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya.”

James Clapper oo waxlaga waydiiyey Dowlada federaalka wuxuu ka yiri “Dowlada Soomaaliya ee curdanka ah waxaa hareeyey Aaminaad daro Siyaasadeed iyo isqabqabsi dhexdiooda ah, Hay’adihii Dowliga ahaa oo aan si wanaagsan u diyaarsaneyn tasoo ku salaysan maamul yari siyaasadeed, Hogaanka dowlada Madaxweyne Xasan sheikhna waa nin liita dhinaca hogaanka iyo siyaasada.”

Hadalkaan ka soo yeerey Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka James Clapper oo hada gaarey Aqalka Sanete ka Maraykanka ayaa muujinaya isfahn la ‘aanta iyo wada shaqayn la’aanta u dheexeya Villa Soomaaliya iyo wadamada Reer Galbeedku meesha uu salka ku hayo, iyo waxa sababta u ah.

Hadalka James Clapper iyo ififaalada cusub ee uu ka bixiyay Sawirka guud ee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ah mid muujinaya iney Maraykanka iyo waliba guud ahaan Reer Galbeedku ay ka quusteen Maamulka hada gacanta ku haya Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com
post@puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles