Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Mohamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maant furmay.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abdirahman Ducaalle Beyleh, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xassan, Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Saffirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Axmed Cabdisalaan Adam, iyo la taliyayaal ka tirsan Madaxtooyadda.
“Soomaaliya waa in ay shirkaan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aadan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sanad walba sanadka ka danbeeyo uu dalkeena kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray,waa inaan sii wadnaa dadaalkaan ilaa iyo inta aan ka gaareyno Soomaaliya oo nabad ah isla markaasna horumarsan“Ayuu yiri Xassan Sheekh oo intaas ku daray “Walaaleheyga, Afrikanka ah waxaan lee yahay Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay si dhab ah uga gaarto hiigsiga agendada 2063“
“Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaaga, cadaaladda, iyo horumarka dhaqaalaha”Ayuu yiri.
Ugu danbeytntii,shirkan ayaa lagu wadaa in wla soo af-meero maalinta beri ah,waxaana Madaxweynahu inta uu ku sugan yahay Itoopia uu kulamo la qaadan doona madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale.