Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Puntland ee Ottawa ayaa isugu yimid Xaflad ay ku taageerayeen hogaanka cusub ee Puntland

$
0
0

Jaaliyada Puntland ee Ottawa Dalka Canada ayaa qabtey Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay Xukuumada Cusub ee Puntland oo uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay, Saciid Xassan Shire, Gudoomiyaha Baarlamaanka. Waxaa sidoo kale xafladaas lagu sii sagootinayay Madaxweynihii hore Mudane Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo maamulkiisii.

Waxaa goobtaasi halkaasi ka hadlay rag iyo haween badan oo ay ka mid ahaayeen, Col. Maxamed Cali Xaashi, Farxiyo Cabdi Cali, Hodan Cabdirisaaq, Axmed Cabdi Yaqub, iyo Cumar Hashi. Iyagoo hambalyo , dardaaran iyo talooyinba hawada u mariyay maamulka cusub.

Waxaa Shirkaasi Xiriirinayay Mudane Farah Aw-Osman oo ah Madaxa ururka Puntland Diaspora Forum oo isagu dhawaan ka soo noqoday doorashada, isagoo ka warbixiyay wixii uu ku soo arkay deegaamadaasi sida doorashu u dhacday , kana waramay aqoonta dheer ee uu u leeyahay Madaxweyne Cabdiweli isagoo falanqayn ka baxshay waxa laga fili karo maamulkaas cusub.

Dadweyne badan oo reer Puntland ah iyo Saaxiibadooda kale ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ka socda ayaana goobta xafladu ka dhacday soo buux dhaafiyay, iyagoo wajiyadooda ay ka muuqato fadxad iyo faysto. Dadweynahaasi fursad u heleen inay hambalyo hawada u mariyaan maamulka cusub.

Sawirada hoos ka daawo

Waxaa xafladan soo abaabulay Haweenka Jaaliyadda reer Puntland ee Ottawa.
PAL1
PAL36

PAL35

PAL34

PAL33

PAL32

PAL25

PAL26

PAL27

PAL29

PAL31

PAL21

PAL22

PAL23

PAL24

PAL19

PAL18

PAL17

PAL15

PAL14

PAL9

PAL10

PAL11

PAL12

PAL13

PAL3

PAL4

PAL5

PAL6

PAL8

PAL2

PAL1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles