Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xaflad Jaaliyadda Puntland ee Ethiopia ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa Cusub ayna ku Bogaadiyeen Madaxweynihii iyo Kuxigeenkii hore.

$
0
0

Xafladdaan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Puntland ee Addis Ababa haba ugu badnaadeen Ardada oo si gaara usoo dhawaysay isbadalka Democracy-yadeed ee sida Nabadgalyada ah lagu soo doortey Madaxweynaha iyo Madaxweyna kuxigeenka Cusub Proff Abdiweli Mohamed Ali Gas iyo Eng Abdihakim Abdulahi Haji Omar Amey oo ay ka rajaynayaan inay Puntland gaarsiiyaan Doorasho Qof walbaa Qofka uu rabo kusoo dooran karo taasoo dhalintu ay Dhalintu ka naawilayaan miisaanka siyaasadeed ee hadda ay leeyihiin mid ka badan.

Sidoo kale Haweenka oo iyana dareenkooda muujiyay ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin Democracy-yada ka dhacday Puntland iyo sida Nabadgalyada ah ee ay kuso gabogabowday oo ay sheegeen inay tahay mid marka hore Rabbi loogu mahadceliyo marka xigtana Maamulkii iyo Ciidamadii Amaanka ee suurto galiyey wajigaan suurto galiyey inay Doorashadaanib si nabad galyo ah udhacdo.

Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Xafladdaan ( Abdifatah Saleman Farah Dhuuhe) oo ku muujiyey Dareenkiisa farxaddeed ee ku aadan sida Habsamida leh ee ay u qabsoontey Xafladdaan lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland uuna ka rajaynayo isbadalkii ay horey u balan qaadeen sababta loosoo dhaweeyeyna ay tahay Balanqaadkii ay sheegeen ee aysan waxba kale uga duwanayn Madaxdii horey Xilkaan u haysay, Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa u mahadceliyey Ganacsatadii Xawaaladihii iyo Shaqsiyaadkii Taageerada Dhaqaale ka gaystey qabsoomida Xafladdaan waxaana uu si gaara uxusay Xawaaladaha Jubba, Mustaqbal, Amaano, iyo Taran, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay Xawaaladda ugu wayn Xawaaladaha Faa’iidada ugu badanna ka hesha Puntland oo xitaa u shaqaysa sidii Bank Dhexe ee Puntland ay tahay inay Qabiil ahaan ku diideen ka qayb qaadashada Xafladdaan wuxuuna Shacabka iyo Maamulka Puntland ka codsaday inay dib u eegaan cid Adeegyada u fulinaysa Cadaw iyo Xabiib midka ay yihiin.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Ganacsade Maxamud Shiikh Cali kasoo Jeeda Soomaalida Ethiopia waxaana uu wax lagu farxo kudayashana leh ku tilmaamay wixii ka dhacay Puntland horeyna ay u ahaydba oo mar hore lagu soo dhisay ku dayashada Puntland Maamulka kale ee Jubbaland State uuna sii filayo inay Gobolada kalena ku daydaan dhistaana Maamulo si ay Bulshadooda ugu Adeegaan.

Abdulahi Ahmed Yusuf Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ayaa isna muujiyay Dareenkiisa Farxadda leh oo uu kusoo dhawaynayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub Proff Gaas iyo Eng Camay waxaana uu ugu baaqay inay inay ka sugayaan balanqaadkii ay horey Bulshada ugu sheegeen.

Waxaa sidoo kale halkaas hadal dheer oo qima badan kasoo jeediyey Xildhibaan Dowladda Federalka Soomaaliya Xagaafe kana soo Puntland isaga oo aad usoo dhaweeyey Madaxda Cusub ee Puntland sida Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Proff Gaas iyo Eng Camay waxaana Amaan Puntland ugu filan ayuu yiri in Madaxdii Dowladda Federalka ay usoo dalacaan Madaxtinimada Puntland oo uu ula jeeday Proff Gaas oo horey Federalka Raysal Wasaare uga ahaan jirey hadana loo doortey Madaxweynaha Puntland.

Xafladdaan oo Madaxweynaha Puntland Proff Abdiweli Mohamed Ali Gas khadka Telefoonka uga soo qayb galay waxaa aakhirkii soo gabo gabeeyey Kuxigeenka Wakiilka Puntland ee Ethiopia Maxamed Aadan Xiirey Amaan iyo Boqaadina usoo jeediyey intii kasoo qaybqaadatay qabashada Xafladdaan iyo inta kasoo qayb gashay sidoo kale waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay isbadalka Democracy yadeed ee lagu soo doortey Madaxda Cusub ee Puntland oo uu sheegay inay Qalbi furan kusoo dhawaynayaan.
DSC_3273
DSC_3326

DSC_3416

DSC_3396

DSC_3371

DSC_3379

DSC_3291

DSC_3321

DSC_3361

DSC_3273

DSC_3272

DSC_3268

DSC_3266


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles