Nairobi–21 luuliyo,2013–Puntlandi– Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof, Cali Maxamed Geedi oo Saxaafada la hadlay Sabtidii 20.07.2013 ayuu hoosta ka xariiqey in Wareysigii uu dhowaan siiyay Idaacada Al-furqaan uu ahaa mid khiyaamo ah oo Wariyuhu uu u sheegtey Idaaco kale oo uu horey Wareysiyo usiin jirey, Wareysiguna sidaas ku dhacay, Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo ka hadley Xaaladaha amaan ee Magaalada Muqidho oo sii xumaanaya sababaha keeney, Wuxuu kaloo ka hadley Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh isagoo yiri “Madaxweyne xasan Sheikh Xisbi ma dooran ururna ma dooran Waxaa doortey Baarlamaanka Soomaaliya oo caqlabiyad ku doortey, Nasiib daro waxaad moodaa in Madaxweynuhuu uu laba qof iyo Dadka badan oo isaga ku wareeegsan oo kaliya uu waxka maqlo”
Wareysiga oo aad u xiisa badan Wuxuu Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ka hadlayaa Arimaha Jubooyinka, Arimaha joogitaanka Ciidamada Kenya iyo Waliba Dastuurka Wax laga badalay oo uu ku tilmaamey in Dowlada Xasan Sheikh aysan ba dooneyn Federaalka oo ay si cad ugasoo horjeedaan.
wuxuu kaloo sharaxayaa kulamo maalmihii lasoo dhafay ka dhacay Nairobi oo Cali Maxamed Geedi ka dhexmuuqanayay oo siyaabo kala duwan saxafadu u baahiyeen, taasna sharaxaad ayuu ka bixinayaa ee Dhagaysi wacan
Hoos ka dhagayso
Dhagayso Jawaabtii sababta uu Waraysiga u siiyey Alshabaab
Hoos ka dhagayso kulamadii Cali M. Geedi kaga qaybgalay Nairobi waxa uu kaga jawaabay
Hoos ka dhagayso Prof Geedi oo sharaxaya siyaasada Xasan sheikh
Hoosna ka dhagayso jawaabta Prof Geedi ee Arimaha Jubooyinka iyo Ciidamada Kenya
Hoosna ka dhagayso Jawaabta ku saabsan Dastuurka oo waxlaga badalay iyo Federaalka iyo eedeyntii Puntland ku eedeysay in waxlaga badalay Dastuurka,wuxuu Prof. Geedi ku jawaabay
Riix halkaan haduu Waraysigu kuu daarmi waayo,ka dhagayso halkaan