Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

XAFLAD SOO DHAWAYN DOORASHADA Dr. GAAS OO FINLAND KA DHACDAY

$
0
0

Sawirada qoraalka hoostiisa ka daawo

Xaflad aad iyo aad ay u soo agaasimeen ugana soo shaqeeyeen jaaliyadda Puntland ee Finland  ayaa xalay 20.01.2014 lagu qabtay caasimadda Finland ee Helsinki. Xafladda oo ahayd mid taageero loogu muujinayo madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C.Weli Maxamed Cali (Gaas), Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka, islamarkaasna mahad celin loogu jeediyey madaxdii hore ee Puntland.

Xafladdaa oo uu khadka taleefoonka kaga qaybqaatay madaxweynaha Puntland Dr. C.Weli ayaa waxay ahayd xafladdii ugu dadbadnayd uguna qiimaha iyo maamuuska wanaagsanayd ee abid ka dhacda Finland, iyadoo lagu casuumay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Finland ayna si buuxda uga soo qaybgaleen hadday ahaan lahayd Oday dhaqameedyo, Aqoonyahanno, Culumada diinta, Bulshada rayidka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Afhayeenno matalayey deegaanada Soomaalida.

Xafladda oo dadkii ka hadlay ay aad u badnaayeen ayaa waxaa dhammaan hadaladoodu ka middaysnaayeen in isbedelka ka dhacay Puntland iyo qaabka uu uga dhacayba uu ahaa mid aad iyo aad ay ugu diirsadeen Soomaalida meelkasta oo ay joogaanba. Waxay aad u amaaneen habka dimuqraadiyadda xambaarsan ee ay doorashadu u dhacday iyo habka wanaagsan ee ay ku dhammaatay. Waxay aad ugu ammaaneen madaxweynaha cusub taariikhdii wanaagsanayd ee uu kasoo qaatay dawladdii federaalka ku meelgaarkana ahayd oo uu ka saaray ku meelgaarnimaddii isagoo hir geliyey dastuur ay Soomaaliya yeelato kuna dhaqanto ilaa hadda. Waxay kaloo ku ammaaneen intii uu joogay dawladda dhexe sidii uu isugu xiray dawladdii dhexe iyo dawladda Puntland iyo shirarkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay magaalo madaxda Garoowe.

Waxay kaloo mudanayaashii hadlay madaxweynaha ku ammaaneen inuu muujiyey dulqaad xad-dhaaf ah iyo inuu soo jiito dhammaan shacabkii Puntland inay ku taageeraan isbedelka uu la rabay Puntland, isagoo kusoo wareegay dhammaan gobolda Puntland iyo degmooyinba iyo weliba jaaliyadaha dibadda, taasina ay keentay inu hanto kursiga madaxweynimada Puntland.

Bulshadii hadashay oo ay ka mid ahaayeen dhallinyaro waddankii ka timid ayaa madaxweyne Dr. Gaas kula dardaarmay inuu shaqo siiyo dhalinyarada wax ku bartay Puntland, si ay u dhiiri geliso in dhalintu ay wax bartaan ayna ka joogsadaan tahriibta.

Waxaa kale oo mudanayaashii iyo marwooyinkii hadlay ay ammaan usoo jeediyeen madaxweynihii hore ee Puntland Dr. C.Raxmaan Faroole oo ay aad ugu ammaaneen habka dimuqraadiyadda leh iyo dulqaadka oo uu ugu hambalyeeyey markii hal cod looga guulaystay. Waxay sheegeen inay aad ugu farxeen bisaylka siyaasadeed ee Madaxda iyo shacabka Puntland.

Waxaa kaloo goobta ammaan looga soo jeediyey Gen. Siciid Dheere iyo Issimada Puntland kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen doorashada iyo sida ay u suurta geliyeen inay ku dhammaato jawi nabdoon oo dadkii daawanayey dibad iyo gudaba ay aad u ammaaneen raalina uga noqdeen.

Ugu danbaytii waxaa dadweynihii shirka khadka taleefoonka kula hadlay madaxweyne Dr. C.Weli Gaas. Madaxweynaha oo hadalo aad usoo jiitay dadweynihii shirka joogay soo jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa khudbaddiisii in isbedelku uusan ku imaan ciyaar-ciyaar, ayna ahaayeen shacabka kuwa suurta gal ka dhigay in isbedel ka dhaco Puntland. Wuxuu madaxweynuhu la dar-daarmay dadweynaha isagoo usoo jeediyey inay dawladdiisa garab istaagaan ayna la shaqeeyaan dibad iyo gudaba aysanna keligood wax qaban karin. Wuxuu kaloo sheegay in laga shaqeeyo midnimada Puntland iyo in si wada jir ah looga hortago wax kasta oo dhib ah oo imaan kara.

Dadweynihii goobta fadhiyey oo aad iyo aad ugu bogay hadalada madaxweynaha ayaa mar walba sacab, mashxarad iyo alalaas kusoo dhaweynayey hadalada madaxweynaha, taasoo muujinaysay sida dadku u doonayeen ama ay raali uga noqdeen in madaxweynahoodu kala soo qayb qaatay xafladda loo dhigay isbedelka Puntland.

Mahadnaq:

Mahadda ugu horraysa waxaan halkaan uga diraynaa ugu horrayn qabanqaabiyayaashii xafladda oo aysan la-aantood suurto gasheen xafladdaan qiimaha badnayd, kuwaas oo lahaa rag iyo dumarba.

Mahadda labaad waxaan u jeedinaynaa Eng. C.Risaaq Muuse Cali Ilweyn oo ahaa ninkii suurta gal ka dhigay in madaxweynuhu kasoo qayb qaato xafladda.

Mahdda sadexaana waxaan u jeedinaynaa wariyaha Universal TV mudane Maxamed Muuse oo isaguna aad isugu hawlay in uu duubo dhammaan xafladdii meeshaas ka dhacday.

Ugu danbaynna waxaan mahad u celinaynaa dhammaan kasoo qaybgalayaashii xafladda oo ka koobnaa Soomaali weyn.

Mudanayaashii iyo Marwooyinkii goobta ka hadlay

Ka socda Magaca

Xubin gudiga

qabanqaabada Cabdifataax C. Jaamac Janagale

Culumada Diinta Sh. Yusuf Ismaaciil Cabdulle

Gudoomiyaha Gudiga

qabanqaabadda Maxamed Xasan Ibraahim

Oday dhaqameedka Mohamud Abdul

Jaaliyadda

Soomaaliyeed Carshe Awmusse

DUblamaasi Danjire Cali Qasim

 

Gudiga hawsha isku dubariday

Mohamed Hassan Ibrahim           Gudoomiye

Ibrahim Hassan Caynab Xubin

CabdiFitaax Janagale Xubin

Nasro Jaamac Deeble

Yaasiin Cali Gaas  Xubin

Aamino Nuur Gabeyre

Xamdi Qodmadow

Fartuun Ilgiir

Abdirisaaq Ali Osman Xubin

Mohamud Abdul  Xubin

Xasna

Sacdiya

Asiili Cabdinuur

Abshir  Xubin

Abdiqani Ducaale  Xubin

Mahadsanidiin.

Jaaliyadda Puntland ee Finland

9844_622667197780378_2081229559_n 24287_622667617780336_672364844_n 45089_622667664446998_432465081_n 1013734_622666864447078_1785699639_n 1017534_622667027780395_152868476_n 1517654_622666884447076_1127382701_n 1530554_622667427780355_574069477_n 1535407_622667531113678_1894170028_n 1545056_622667334447031_257269688_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles