Warar aan ka helney Villa soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne xasan Sheikh iyo Raysal Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed ay isku afgarteen Liiska Golaha Wasiirada iyagoo labada dhinac mugdigii ku kala dhex jirey ay dhameeyeen.
Wararka oo aan ka helney illo dublamaasiyaeed waxay noo sheegeen in Raysal wasaaruhu uu aqbalay dhowr wasiir oo xukuumadii Raysal wasaare Saacid ka tirsanaa balse lama sheegin Magacyada xubnahaas soo noqonaya iyo jagooyinka lagu fariisiyey.
Dhinaca kalena waxaa jira culeys Raysal wasaaraha ka saaran Wasaaradaha muhiimka ah oo Beeluhu isku heystaan iyo siduu uu ku qancin lahaa.
Iskusoo duuboo waxaan maanta warka ku heynaa in Golaha Wasiiradu hada diyaar yihiin laguna dhawaaqi doono labada maalmood ee soo socda, iyadoo Sabtida loo badinayo.