Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jabuuti oo xabsiga loo taxaabey Qaar kamid ah Mucaaradka Dalkaas

$
0
0

Djabouti–16 Jan.2014–Pi– Kulan Xaflada oo lagu xusayey aasaaskii Dalada Mucaaradka Jabuuti ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan USN ayaa wuxuu kaDaahir Ahmed Faarah. MRD dhici lahaa maanta Magaalada Jabuuti kasoo ka dib isu badalay kala carar iyo xabsi u taxaabid ka dib markii Booliska Dalkaas ay isweer ka qabteen goobtoii Xafladu ka dhici lahayd.

Waxaa Xabsiga la dhigey dhamaan Masuuliyiintii USN ee Xaflada soo Xaadirey waxaana kamid ah dadka la xirey oo aan ilaa hada laga warhayn sida ay ku sugan yihiin ragaan hoose..

  1. Daahir Axmed Faraax
  2. Ismaciil Geedi Xareed
  3. Axmed Yuusuf
  4. Cumar Cilmi Kheyre
  5. Cabduraxmaan TX

Ragaan la xirey ayaa waxaa kamid ah shaqsiyaad aad ugu ololeynayay Dacwado ka dhan ah xukuumada Jabuuti oo ka dhashey Doorashadii Baarlamaanka e 22.2.2013, Dacwadahaasoo qaarkood loo gudbiyey midowga Yurub iyadoo Xukuumada Ismaaciil Cumar Geele ay Mucaaradku ku eedeeyeen Kaligiis talinimo iyo ku shubasho Doorashadii..

Sawiraka kore waa Daahir ahmed Farah oo ah hogaamiyaha xisbiga MRD, ahna afhayeenka Dalada Midowga Mucaaradka ee marka lasoo gaabiyo loogu yeero  USN

Xariga maanta loo gaystey Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa muujinaya in ay wax ka jiraan Dacwooyinkii ay gudbiyeen Mucaaradku.

Puntlandi.com

Adis ababa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles