Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Puntland ee Belgium oo Hambalyo u diraya Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa

$
0
0

 
Gudiga sare ee Jaaliyada Puntland ee wadanka Belgium ee PDF-BELGIUM iyo shacabka reer Puntland ee ku nool wadankan ayaa waxay si weyn usoo dhaweeyeen Doorashada taariikhiga ah ee ka dhacday maalintii Arbadii Caasimada Puntland ee Garowe taasoo ay sheegeen inay ku dhacday sidii loo baahnaa oo ay caanka ku ahaayeen dadka dega gaoboladaas.
 
waxay sidoo kale jaaliyada leedahay madaxweynaha cusub Prof. Gaas in hawl adag ay hor taalo oo Puntland ay u baahantahay in meesha ay taalo laga qaado oo lagaarsiiyo meesha ay mudantahay  hadalkaas oo ahaa  oraahdii Prof. Gaas ee Ololaha Doorasha xiligii uu socoday marka way anaguna wan xasuusinayaa,
 
waxaan sidoo kale urajaynaynaa Madaxweyne Gaas iyo ukuumadiisa in ALLAH usahlo hawsha adag ee loo igmaday.
 
Dhanka kale Jaaliyada PDF-BELGIUM waxay mahad iyo sharaf usoo jeedinaysaa madaxweynihii xilka ka degay ee Dr. Abdiriman Maxamed Maxamud Faroole oo ay sheegeen inuu ku amaanan yahay hawshii uu ka soo qabtay Puntland 5tii sano ee uu hayey xilka iyo sidii dimoqradiyada iyo quruxda badnayd ee uu usoo agaasimey doorashadii hada dhacay.
 
Ugu danbeyn waxay Jaaliyada Puntland ee Belgium mahad iyo amaan usoo jeedinaysaa Ciidamada amaanka, Isimada , waxgaradka , aqoonyahanka iyo  dhamaan shacabweynaha ku nool Puntland oo ay sheegeen in la,aantood aysan dhacdeen doorashadaas xalaasha ah , waxay sidoo kale ku amaaneen siday uga qaybqaateen shacabku amaanka Caasimada oo ula shaqeeyeen ciidamada amaantka .
 
isku soo wada duuboo Doorashada isbedelka ah ee ka dhacday Puntland ayaa aad looga soo dhaweeyey meela badan oo Somaliya iyo aduunkaba ka mid ah  anaguna hadaanahay PDF-BELGIUM  waxaan leenahay   Hambalyo Reer Puntland , Soodhwow Mudane , Soodhawow Abdiwali, Soodhawow Hogaanshe.
 
Abdulkadir Ali Jahaf {Gaarrah)  Brussels ,Belgium

Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles