Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog aan Helay– Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh oo iska dhaga tirey inuu Villa Somalia kala tashado Magacaabida Xukuumada iyo muran xoogan oo jira

$
0
0

Raysalwasaraha cusub ok

Muqdisho–10 Jan.2014–Pi– Sida ay Howlwadeenada Puntlandi warar hoose ku heleen ilaa hada ma jiraan Gole Wasiiro oo diyaar ah, Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed wuxuu si cad uu dhagaha uga dabooshey inuu Golihiisa wasiirada uu kala tashado Villa Soomaaliya tasoo abuurtey muran xoogan oo hada dhexyaal Villada iyo Xafiiska Raysal wasaaraha.

Sida ay Puntlandi Warka ku helneen maanta, ilaa hada ma muuqato saansaan muujineysa in maalnaha soo socda la magacaabayo Wasiirada.

Kooxda ku teedsan Madaxweynaha ayaa sicad isugu dayay iney Raysal wasaaraha ku khasbaan inuu magacaabo wasiiro iyagu wataan lakiin Raysal wasaare Cabdiwali si cad ayuu arintaas u diidey, isagoo hoosta ka xariiqay in Golahiisa wasiiradu ay noqonayaan kuwo uu kusoo magacaabayo rabitaankiisa oo qura.

Sida muuqata waxaa hada socda xaalad adag oo dhextaal Raysal wasaaraha iyo Vila Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale uu Raysal wasaaruhu maalmihii lasoo dhaafey uu gabi ahaan xirey dhamaan xiriirkii u dhexeeyey xafiiskiisa iyo Kooxda Villa Soomaaliya marka laga reebo Madaxweynaha oo qura.

Xogtaan waxay Puntlandi TEAM ay ka heleen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles