Maalmo ka hor ayay ahayd markii Howlwadeenada Puntlandi ay heleen xogta ku saabsan in Murashixiintu ay aqbaleen Gudigii uu Madaxweyne Faroole soo magacaabay lakiin xiligaas lama shaacin waayo Murashixiintu waxay Go’aankooda u gudbiyeen Isimada, Isimaduna iyagaa Arimo dhexdooda ah ku Mashquul sanaa, Sida Puntlandi xogta ku heleen maanta Arimihii u dhexeeyey Isimada waxaa la xaliyey xalay, waxayna isla Xalay Isimadu u guda galeen Go’aankii ay gaareen Murashixiintu, kasoo ahaa iney Murashixiintu aqbaleen Gudiga MAdaxweynuhu magacaabay lakiin Waxay daba dhigeen Sharuudo looga fadhiyo Isimada iney Xaliyaan.
Hadaba Maanta Waxay Murashixiintu daaha ka qaadeen in ay aqbaleen Gudigii Khilaafaadka, lakiin marjaca loo noqonayo waa inuu noqdaa Gudi ka kooban Isimada soo jireenka ah, gudigaasna waa in Isimadu iska soo dhex xulaan.
Mida kale waa in aysan Gudigu ansixin Xildhibaan aan ogolaansho ka wadan Isinka soo jireenka ah ee Beeshiisa.
faahfaahinta dhowaan naga filo
Puntlandi.com
Garowe