Murashixiinta u taagan jagada Maadaxweynaha Puntland oo Madaxweyne Faroole ka maqan yahay ayaa maanta wada hadal ugu yeerey Gudigii uu Madaxweynuhu u Magacaabey Khilaaf bixinta, Gudigaaso ah kan muranku ka taagan yahay; Murashixiintu waxay horey Madaxweynaha ugu eedeeyeen inuusan cidna kaka tashan sameynta Gudigaan.
Sida ay Hawlwadeenada Puntlandi.com warka ku heleen Murashixiinta iyo Gudiga way kulmeen waxayna wada qaateen kulan saacad iyo dheeraad socdey laakiin nalooma sheegin mana aanaan helin ujeedada kulanka iyo waxyaabaha laga wada hadley.
Inkastoo aan la ogayn cida ka dambeysay kulankaan hadana waxaa loo badinayaa inuu qayb ka yahay Dadaalada loogu jiro in la xaliyo Muranka ka taagan Gudigaan uu Madaxweynuhu magacaabey oo Murashixiintu diidan yihiin.
Beri oo Axada ayaa Murashixiintu gooni u kulmayaan waxayna kawada Munaaqashoonayaan kulanka ay maanta la qaateen Gudiga Khilaafaadka ee Madaxweynuhu soo Magacaabey.
Puntlandi
Garowe