Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin+dhagaysi Cod — Maxaa maanta ka dhacay Baarlamaanka, Gudoomiyaha Baarlamaanka oo iska dhaga tirey Codsigii Raysal wasaaraha iyo waliba duudsi iyo maquunin

$
0
0

Maanta oo sabti ah 30 Novembar waxaa kulmey in ka badan 240 Xildhibaan oo la damacsanaa iney fiiriyaan Mooshin laga keeney Raysal wasaare Saacid iyo Xukuumadiisa oo lagu eedeyey waxqabad la’aan, Kulankii wuxuu noqdey mid aan natiijo muuqata kasoo bixin, Maxay tahay sababtu?

Kulanku markuu saaka bilowdey waxaa durba la qaybiyey Waraaqaha mooshinka,qorshuhu wuxuu ahaa in mooshinka isha la mariyo ka dibna loo codeeyo in Mooshinku Mooshin yahay iyo in kale,hadii la oran lahaa Mooshinku waa sax sharciyan ah waxaa waajib ku noqoneysa Xildhibaanada in loo balamo sidaas awgeedna laba maalmood lafa munaaqashoodo, Ka dibna Saacid loo yeero.

Tasoo dhan ma dhicin maanta oo durba waxaa soo baxay daldalool ka muuqda Mooshinka, Xildhibaano goob joog ahaa maanta ayaa sheegey iney ku saxiixan yihiin liiska soo gudbiyey mooshinka oo Magacooda laga been abuurtey, Arintaas oo ahayd sharciyan inuu Gudoonka Baarlamaanku fiiriyo wuu ka indha saabtey, Xildhibaanadii laga been abuurtryna waa lagu qayliyey oo sawaxan iyo buuq baa lagu furey.

Atinta kale ee Maanta dhacdey waxay ahayd in liiska soo gudbiyey Mooshinka ay ku jiraan Xubno Dalka ka maqan.

Arinta Sadexaad ee dhacdey waxay ahayd wakhtihii oo lagu balamay in xildhibaanada hadlaya la siiyo 10 daqiiqo waxaa laga dhigey Sadex daqiiqo oo qura ,balan tuna toban daqiiqo ayay ahayd.

Kulankii maanta oo buuq iyo isjiid jiid kujira ayaa Gudoomiye Jawaari Mikarafoonka qaatey wuxuuna sheegey in kulanku xiran yahay beri oo axadana la isu soo labanayo, Xildhibaankii hadal rabaana ha is qoro, waxaa durba magacooda gudbiyey 81 Xildhibaan.

Codsi uu shalay soo gudbiyey Raysal wasaare Saacid oo ahaa in la siiyo wakhti uu xildhibaanada kulahadlo ayaa Gudoomiye Jawaari ka balan qaadey inuu codsigaas u gudbin doono kulanka Maanta si xildhibaanadu u ogolaadaan ama u diidaan codsiga Raysal wasaaraha, Arintaas ma aysan dhicin maanta oo Gudoomiyaha Baarlamaanku jeebkuu gashadey Codsigii Raysal wasaaraha, wuuna ka qariyey Xildhibaanada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles