Raylsal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Wareysi gaara siiyey Radio Daljir ayuu ku sheegey in Go’aankii Shalay 14 Luuliyo,2013 uu Madaxweyne Faroole ku baajiyey Doorashooyinka uu ahaa mid uu ku saxsanaa Madaxweynuhu uuna ahaa go’aan geesinimo, “Waxaan ku amaanayaa Go’aanka uu qaatay Madaxweynuhu, wuxuu ahaa Go’aan geesinimo waana filayay inuu qaadanayo Go’aankaas” ayuu yiri Dr. Gaas.
Madaxweynaha Puntland wuxuu shalay ku dhawaaqay inuu baajiyey Doorashooyinkii Golayaasha deegaanka ka dib wada tashi uu Madaxweynuhu la qaatey Xubno ka tirsan labada Gole iyo Saraakiihsa amaanka Puntland, Rabshado ay Dad Rayid ah kala horyimaadeen Ciidanka amaanka ayaa waxaa Qardho ku dhintey laba qof oo Rayid ah, Ciidanka ayaa iyana khasaaro dhimasho soo gaartay ka dib markii Dad Rayid ah ay si gaadmo ah rasaas ugu fureen Ciidanka.