Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Sawiro Mdx.Deni oo Muqdisho yimid iyo Shirka Wadatashiga Doorashada oo Muqdisho ka furmaya,

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdigii uu hogaaminayay ayaa Muqdisho soo gaaray si uu uga qayb galo Shirka lagu wado inuu halkaas ka furmo maalinka Axada.

Sida aan xogta ku heyno Kulanka beri waxaa looga arinsanayaa kasoo qaybgalayaasha Shirka, Madaxweyne Deni wuxuu wali ku adkaysanayaa in Furitaanka Shirka iyo Xiritaankiisaba ay kasoo qayb galaan Labadii Madaxweyne ee hore Oo matalaya Mucaaradka,

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana lagusoo waramayaa inay ogol yihiin in Dhirka ay furitaankiisa kasoo qayb galaan Xubno matalaya Mucaaradka.

Beri oo sabti ah Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa ka wada tashana qaabka uu Shirku u furmayo.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Shirka qayb kama aha, waxaana lagusoo waramayaa inuusan xitaa wax talo ah uusan ku lahayn.
Kala soco Puntlandi.com dhamaan wararka Shirka.

Warbaahinta Puntlandi.com Way ka cududaaranayaan maalmihii lasoo dhaafay oo aan Hawada ka maqnayn, Akhristayaashana waan ka raali galinaynaa.

Puntlandi.com

The post Sawiro Mdx.Deni oo Muqdisho yimid iyo Shirka Wadatashiga Doorashada oo Muqdisho ka furmaya, appeared first on .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles