Roobabka ma hiigaanka ah re ku hooray Deegaanada Puntland ayaa sababay in ay burburaan Buundooyin muhiim u ah isusocodka Puntland.
Deegaanka Alxamdulilaah ee Gobolka Karkaar waxaa burburtay Buundada Qayaadsame, tasoo hada laga cabsi qabo inay gabi ahaan burburto, Buundadaan waxay isku xirta Bosaso iyo Qardho aad ayayna muhiim u tahay.
Laamiga Sunijiif ee Gobolka Nugaal ayaa iyana burburtay waxaana Laamiga ka harsan wax yar, sida la xaqiijiyay kala bar ayaa Laamiga kala go’ay meel u dhow Sunijiif oo Dooxada ah, Gawaarida ayaa hada isku ciriirinaya qaybta ka hartay wadada.
Hay’ada Wadooyinka Puntland wali kama ayasan hadal Khasaaraha Roobabku i gaysteen Laamiyada Gobolada Puntland.
Puntlandi.com Garowe

The post Roobabka oo sababay in laga cabsi qabo in Bosaso iyo Garowe ay kala go’aan appeared first on .