Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News : – Wafdi ka socda Emaraatka oo Bosaso yimid iyo Wararkii shalay oo ahaa buunbuunin iyo Been abuur, sidoo kale M/weyne Gaas iyo Safiirka Emaraatka oo maanta shir jaraa’id qabanaaya

$
0
0



Wararkii shalay ay warbaahinta somaalidu qoreen ee ku saabsanaa shidadii laga sheegay ay la kulmeen Saraakiishii Emeraatka ee Bosaso ka duulayay shalay ayaa ahaa kuwo la buunbuuniyey oo siyaabo qaldan loo dhigey,iyadoo looga golahaa in lagu xoojiyo ololaha borobogaandada ah ee ka dhanka ah Dowlada Emaraatka.

Saraakiishii shalay ka dhooftay magaalada Bosaso ayaa ahaa tababarayaashii Ciidanka Badda ee Puntland iyo shaqaale kale, kuwaas oo ahaa kuwo wakhtiga shaqo ee joogitaankooda Puntland uu dhamaaday, isla markaasna kuwii badali lahaana  lafilayo in ay soo gaaraan  maanta beri  ah  magaalada Bosaaso.

Isla shalay galab waxaa Bosaaso yimid wafdi ka socda Dowlada Emaraatka oo hor dhac u ahaa wafdi uu hogaaminayo safiirka Dawlada Emaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo ku soo wajahan maanta magaalada Bosaaso ee Dawlada Puntland.

Sida ay Warsidaha Puntlandi.com uu warar dublamaasiyadeed uu ku helay , Waxaa maanta Bosaso ku kulmaya Safiirka Emaraatka iyo Madaxweyne Gaas, kadibna Waxay ay si wada jir ah ula hadli doonaan Warbaahinta

Wararka kale ee Puntlandi uu helayo ayaa waxa ay sheegayaan in Dowlada Emaaraatka Carabta ay balanqaaday in ay laba laabtey garaarkii iyo Taageeradii ay siin jirtay Dawlada Puntland.

Wagdiga Emaraatka ee hadda ku sugan magaalada Bosaso iyo kuwa Maanta ku soo waajahan ayaa isugu jira Saraakiil ciidan iyo kuwo Dublamaasiyadeed.

Saraakiisha ciidanka ayaa ah tababarayaal cusub oo tababari doona Ciidanka Punnland sanadaha soo socoda, kuwaas oo bedeli doona Saraakiishii hore ee uu wakhtigoodii uu dhamaaday, ee shalay ka dhoofay magaalada Bosaaso.

Dhinaca kalena Dowlada Federaalka ayaa dabda ka riixaysa olole balaaran iyo dacaayado ay lacago farabadan ku bixinayso oo ay ku dhaawaceyso xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya shacbiga Puntland iyo Dawlada Imaaradka Carabta .

Warkaan oo faahfaahsan goor dhow naga filo

Pi
Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles