Dowlada Puntland ayaa Ciidamo dheeraada u diray Deegaanada ay saaka Sida gaadmada ah kusoo galeen Maleeshiyaad lagasoo abaabulay Laascaanood si ay khal khal u galiyaan Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku joogo Deegaanada Puntland.
Warsidaha Puntlandi oo dhowaan la xiriiray Deegaanada Tukaraq, Dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay ay Maleeshiyaadku saaka kusoo waabariisteen Tukaraq, Dadka Deegaanka oo tan iyo Shalay u dabaal dagayay Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa guryaha qaar waxay luleen Calanka Baluuga iyo Sawirkab Madaxweyne Farmaajo, Nasiib daraso Malishiyaadkii Magaalada soo galay ayaa rifitaan iyo jeex jeexid ku bilaabay waxayna cabdi galiyeen Dadweynihii.
Dowlada Puntland ayaa maanta waxay Ciidan u direen Deegaanka, iyadoo duhurnamadii maanta ay labada Ciidan Xabado isku tuur tuureen.
Xaalada Deegaanka hada Way degan tahay laakiin Sargaal Ciidanka ka tirsan wuxuu Puntlandi u sheegay in Dagaal saacad walba bilaabannkaro ayna isu diyaariyeen.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi
Puntlandi
Garowe