Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

XOG MUHIIM AH : – Dowlada Federaalka oo guul daro iyo Jahawareer ka dhaxashay Dagaalkii Laabla kac ahaa ee ay ku dhawaaqday ee ka dhanka ahaa Al-shabaab

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi ay ka heleen ilo aad ugu dhow Wasaarada Amniga iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Jahawareer xoogan uu ka jiro qorshihii ay Dowlada Federaalku ku doonaysay iney kula dagaalamaan Al-shabaab.

Xubno ka tirsan Wasaarada Amniga ayaa noo sheegay in Dowlada Federaalku ay ku hungowday ku dhawaaqadii ay Dowladu iclaamisay iney kula dagaalamayaan Al-shabaab, Xubnaha la hadlay Puntlandi waxay sheegeen iney guul daradaan ay sabab u tahay dhow arimood oo ay kamid yihiin..

– Iyadoo ay Dowladu ku dhawaaqdey Dagaal aysan haba yaraatee aysan u diyaargaroobin.

– Iskawarqab la aan ka dhex jirta laamaha Amniga,Xafiisyada Dowlada khaasatan Xafiisyada Madaxda Sare.

– Mugdi Siyaasadeed oo ku kala dhex jira Dowlada dhexe iyo Beesha Caalamka khaasatan Amisom.

Arimahaan waxay sal u yihiin in Xukuumadu ay ku hungowdo Dagaalkii ay iclaamiyeen.

Xukuumadu markii ay ku dhawaaqeen Dagaal ka dhan ah Al- shabaab ayaa Hogaanka Amisom waxay bilaabeen iney shaaciyaan iney u diyaar garoobayaan iney fuliyaan qorshihii Qaramada Midoobey ee Ahaa u diyaar garowga in Ciidamada Amisom ay tartiib tartiib uga baxaan Soomaaliya iyagoo Amaanka ku wareejinaya Ciidanka Soomaaliya.

Qoraal ay Amisom soosaareen todobaadkii hore ayaa waxaa ku qoraa sidan.

” Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira said: “The realignment of our troops in forward operating bases across the Sectors including the movement of Ethiopian military contingents who are currently seen crossing the border from and into Somalia, represents calculated activities, in readiness for the transitioning of security responsibilities to the Somali National Security Forces. Over the coming weeks, AMISOM’s strategic troop movements will continue, without disrupting the provision of the existing security services, to ensure the safety of the people of Somalia, who remain at the core of AMISOM’s operational consideration. ”

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Ciidamada Itoobiya ee dhowaan lagu arkay iyagoo xadka kasoo talaabaya uu yahay qorshe ay ku buuxinayaan Saldhigyada Ay baneyn doonaan Ciidamada Amisom oo isu diyaarinaya iney tartiib tartiib uga baxaan Soomaaliya ayna xaqiijiyaan in Ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan gacan ku haynta Amaanka Shacabka.

Sargaal ka tirsan Wasaarada Amniga DF Soomaaliya wuxuu Puntlandi u xaqiijiyey ineysan Dowlada Federaalku aysan Waxba kala socon Waxyaabaha ku qoraa Warsaxaafadeedkaan ay Amisom soo Sareen, Xili Dowladu ku dhawaaqdey Dagaal.

Su’aasha kale waxay tahay Xagee joogaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee lagu sheegay Warsaxaafadeedka in ay la wareegayaan Amaanka Goobaha ay baneyn doonaan Xoogaga Amisom.

Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in Safarkii Madaxweynuhu uu ku aadey Ugandha, Itoobiya iyo Jabuuti uu la xiriiro arimahaan.

Wararkale ayaa iyana sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay soo gaari doonaan Muqdisho si ay qayb uga noqdaan Xoogaga Amisom ee jooga Muqdisho.

Sidoo kale waxaa soo shaac baxay muran iyo khilaaf balaaran oo u dhaxeeya Wasiirka Aminiga Qaranka iyo Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Thabit oo ku saabsan cid yeelanysa masuuliyada aminiga caasimada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa olole ugu jira in masuuliyada Aminga Caasimada laga soo wareejiyo Wasaarada Amniga Qaranka lana hoos keeno Xaafiiska Duqa Magaalada Muqdisho.

Xeeldherayaasha Siyaasada Somaaliya ayaa qaba in muranka iyo loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Ducaale iyo Duqa Caasimada Mudane Thabit uu salka ku hayo kaliya arimo dhaqaale, iyadoo laysku hayo miisaaniyada dhaqaale ee loo qoondeeyey Amaanka Caasimada oo hadda uu gacanta ku hayo Wasiirka Amniga Qaranku, taas oo Duqa Magaalada Muqdishu uu halgan ugu jiro in uu dhaqaalahaas la soo wareego.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles