Maalmihii lasoo dhaafay waxaa maalin walba sii kordhayey khasaaraha Nafeed ee uu geystey Qarixii arxandarada ahaa ee Cadowgu u geystey Dadka Rayidka ah ee ku sugnaa Isgoyska Soobe ee Nawaaxiga Nr 4.
Sida ay Warbaahinta Puntlandi kasoo xigteen Wasiirka Warfaafinta DF Soomaaliya Ing. Cabdiraxmaan Yariisow tirada rasmiga ah Ilaa hada waa sidaan hoose.
(Tirada uun oo qura Ayaan Wasiirka kasoo xiganay)
Dhimashada 358 Qof
Dhaawac 228 Qof
Lawaysan yahay 56 Qof
Dibada waxaa loo qaadey 122 Qof oo loo kala qaadey Turki, Sudan iyo Kenya.
Isu geyn khasaaraha rasmiga ah Ilaa hada waa 642
Hal Qof oo ka mid ah Dhaawicii loo qaadey Sudan ayaa Rafael iyo Kaalmo la’aan wuxuu ugu geeriyooday Dalka Suudaan, dhawaca Suudaan lagerbeholdning waxaa qaadey Dowladataajirka ah ee Qadar, taasoo kala xishootey iney Isbitaaladooda geeyaan.
Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in Dhaawaca ay Qadar ku daadisay Sudan ay safka hore ugu jireen in Dibada loo qaado oo Hadii aysan qaadeen Qadar, loo qaadi lhaa Wadan kale Sida Kenya. Laakiin markii ay Qadar sheegtay iney dhawaca qaadeyso ayaa iyaga loo diyaariyey.
Puntlandi.com
Nairobi