Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Innaa lilaahi wa inaa ileyhu Raajucuun ‘Qarixi Shalay oo dhimashadu kor u dhaaftey 125

$
0
0

Wararka Rasmiga ah oo howlwadeenada Puntlandi helayaan waxay xaqiijinayaan in Qarixii Shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho uu ahaa mid Khasare farabadan geystey, khasarahaasoo isugu jira Naf iyo Maal.

Illaahay naxariista ha kawaraabiyee waxaa ilaalada tirada dhimashadu maraysaa 125 Qof oo rayid ah, iyadoo tiradu mar walba sii kordhyso

Dhismyaal fara badan ayaa Burburay,Dad badan ayaa wali ku jira dhismyaasha burburay, Hanti gaaraysa Malaayiin Dollar ayaa ku burburtay qaraxa.

Ilaa 35 Dahlin yaro ah oo Daa wanayay Ciyaar toos ahayd(Live) oo dhex maraysay Liverpool iyo Man. Unted ayaa dhismihii kusoo dumay oo halkaas ku nafwaayay.

Dad Shacab ah oo isugu jira ganacsato yaryar oo ka Ganacsada Suuq ku yaal Nawaaxiga Isgoyska Soobe iyo Dad adeeganayay ayaa iyana dhimashada ka mid ah.

Qaraxa Shalay oo sabti ahayd 14 oktoobar 2017 wuxuu ahaa Qarixii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca gayiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey qaraxa ayaa wuxuu ku baaqay Sadex maalin oo Baroordiiq ah.

Madxweynaha Dowlada Puntland DR. Gaas ayaa isna qaraxa ku tilmaamey Masiibo , Murugo iyo Tiiraanyo Qaran.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles