Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dubai oo dhisaysa Jasiirad Dalxiis iy!o Hotelo biyaha hoostooda ku yaal

$
0
0

Dubai waxay had iyo jeer isku daydaa iney sameeyaan waxyaabo aan awal suuragal ahayn iney suuragal ka dhigaan, Dubai waxay hada Sameynayaan Jasiirad yar oo ay gacantooda ku sameeyeen, Mashruucaan waxaa ku baxaya Aduun dhan 680 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Magaalada yar ee Venice ee ku taal Talyaaniga oo biyaha ku dhextaal waxaa ka dhisan Hotelo Dalxiis iyo guryo, waxaana la isaga dhex gooshaa Doonyo oo qura, Hadaba Dubai ayaa waxay sameynaysaa hada Venice cusub oo luxury resort(Raaxo raaxo dhaaftay) ah.

Jasiiradaan waxaa laga heli doonaa Qolol Hotel iyo Makhaayado Biyaha (Bada) hoostooda ku yaal kuwasoo loo sameyn doono daaqado Muraayad ah oo aad ka arki karayso Xayawaanka bada ku nool.

Xaafadaan wali looma wan qalin oo magac looma bixin, waxaana la qiyaasayaa Hadii Eebe idmo in xariga laga jaro sanada 2020-ka

Sawirada naqshada hoos ka daawo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles