Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shacabka iyo Ganacsatada Puntland oo si buuxda u taageeray Hadalkii Madaxweyne Gaas ee Xiisada Khaliijka

$
0
0



Shacabka, Ururada Rayidka iyo Ganacsatada Puntland ayaa si buuxda ugu riyaaqay Mowqifka Puntland ee Xaalada Wadamada Khaliijka.

Hadalkii Madaxweyne Gaas ee ku aadanaa in ay laga maarmaan tahay in Soomaaliya ay taageerto Xulufada Sacuudiga iyo Emaaraadka ayay Shacabka Puntland aad usoo dhaweeyeen.

Ganacsatada Puntland ayaa aaminsan in Xiriirka Emaaraadka ay Soomaaliya la leeyihiin uusan jirin wadan kale oo Caalamka ah oo Xiriir noocaas ah la leh Soomaaliya. Waxayna Dowlada Federaalka ugu baaqeen in Danta Guud laga hor Mariyo danaha shaqsiyaadka gaarka ah.

Mid ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Puntland ayaa yiri “Madaxweynaha Puntland wuxuu ka hadlay Danta Soomaaliya, Soomaaliya Danteedu waa cadahay meesha ay ku jirto, Waana wax iska Caadiya in Dal uu dantiisa ilashado, Danteenu waxay ku jirtaa in sare loo qaado Xiriirka soo jireenka ah ee aan la leenahay Sacuudiga iyo Emaaraatka, Dowlada dhexe waxaan u sheegaynaa iney u dhaqmaan si dublamaasiyadeed oo ay ilaaliyaan danaha Qaranka,ayna qaataan talooyinka loosoo jeediyo”

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha Ururada Rayidka ayaa isna yiri “Puntland Way lasoo daahday mar hore ayay ahayd iney arimahaan ka hadlaan, Waliba in cod laga la tashado Ma ahan , waa in si buuxda ay Puntland u garab istaagtaa Wadamada aan saxiibka nahay”.

Shacabka Puntland ayaa iyana maalmahaan aad u hadal haya Mowqifka Soomaaliya ee Xiisada Khaliijka, Waxayna shacabku aad usoo dhaweeyeen in Ay lagama maarmaan ay tahay in Danta Soomaaliya ay ku jirto in lawanaajiyo Xiriirka Auning la leenahay Emaaraatka iyo Sacuudiga.

Madaxweynaha Puntland DR.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa iminka wuxuu ku sugan yahay Dalka Sacuudiga, Wuxuuna kala hadlayaa Xiisada Khaliijka iyo Arimaha Soomaaliya.

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles