Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wargeysyada ugu waaweyn Carabta oo qoray in Puntland ay Dowlada Federaalka ka Dalbatay in Xiriirka loo jaro Dalka Qadar

$
0
0

Wargeysyada ugu waaweyn Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa daabacay in Dowlada Puntland ay Xukuumada Federaalka ka dalbatay in go’aan cad ay ka qaataan Xiisada Khaliijka.

Wargeysyada ayaa sheegey in Maamulka Puntland uu uga digay Xukuumada Muqdisho iney go’aan qaldan qaataan,Waxayna usheegeen in La xasuusto Xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Puntland waxay Dowlada Federaalka usheegtay in meel loogasoo wada jeesto la dagaalanka Argagixisada Faraha kulul ku haya Soomaaliya, Cidwalboo Argagixisada tasgeertana ay ka fogaadaan.

Wargeysyada waxay Muujiyeen in Puntland ay ku cadaadineyso Dowlada Federaalka in Ay la saftaan Xulufada Sacuudiga iyo Emiratka.

Hoos ka Akhriso mid kamida Wargeysyadaas warkaan ay qoreen.
http://www.alittihad.ae/mobile/details.php?id=48800&y=2017


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles