Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Sawirada— Ciidamo qaab Beeleed isugu diley Muqdisho iyo Ciidan kale oo iyana isweeraray

$
0
0

Maanta waxaa Muqdisho ka dhacay laba gal oo Ciidanka dhexdoodu isu geysteen, halkasoo ugu yaraan 12 Askari ku dhimatay.

Falkii hore wuxuu dhex maray Ilaalada Raysal wasaaraha iyo Nabad sugida.

Saaka ayaa Ciidanka ilaalada Raysal wasaruhu waxay meel u dhow Dugsiga tababarka Booliska waxay ku toogteen Askari ka tirsan Nabad Sugida, Falkaan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Ilaalada Raysal wasaaraha ay is hortaageen Ciidan kale oo Nabad sugida ka tirsan, halkasoo Rasaas ooda la isaga Qaadey, Waxaana dhintey Askari kale.

Askariga la diley Ciidan ay isku heyb yihiin oo isasoo urursadey ayaa waxay soo weerareen Villa Soomaaliya horteeda Kantaroolka ku yaal waxayna dileen Afar Askari oo ilaalada Madaxtooyada ka tirsan.

Falkii labaad oo galabta dhacay ayaa wuxuu dhex maray Ciidanka hub dhigista iyo Ciidan kale wuxuuna falkaan ka dhacay Wadajir, waxaana halkaas ku dhintey 7 Askari.

Wali Dowladu kama aysan hadal Labadaan dhacdo.

Sawirada Hoos ka Daawo

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles