Xogaha rasmiga ah ee soo gaaraya warsidaha madaxabanaan ee Puntlandi ayaa tibaaxaya in heshiis isafgarad ah oo buuxa ay wadagareen Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno xildhibaano ah oo matalaaye kooxdii Barlamaanka Puntand ee ka danbeeyey mooshinkii Barlamaanka Puntland uu kalsoonida kala noqday guud ahaan xubnaha Golaha Wasiirada Puntland.
Sida wararku sheegayaan isafgaradkan ayaa la gaaray kadib markii Xubnaha matalaayey Barlamaanku ay ka tanaasuleen xadigii lacageed ee ay markii hore dalbadeen, ka dibna aqbaleen in ay urursadaan waxoogagii Madaxweyne Gaas ugu yaboohay bilowgii ka hor intii aanay mooshinka ku ridin Golihiisa Xukuumada oo dhan, oo ahaa aduun dhan laba Milyan oo ah Dollarka Mareykanka.
Warsidaha Puntlandi ayaa mar sii horeysay marada ka feyday,soona bandhigay in ujeedada mooshinku yahay muran lacageed oo u dhaxeeya Madaxweyne Gaas iyo kutlada ka mid ah Barlamaanka Puntland, kutladaas oo u badan kooxo garab-rarato ( Eesh qusak shacbiga Puntland ) ah oo aan inba waxa xog iyo dareen ah u laheyn dhibtii loo soo maray dhismaha Dawlada Puntland iyo xaalada maanta ay ku sugan yihiin shacbiga deeganada Puntland.
Waxaa weli Caasimada Puntland ee Garoowe ka socda kulano looga arinsaayo dhismaha xukuumada cusub ee la rajeynaayo in Madaxweyne Gaas soo magacaabi doono, iyadoo warar horudhaci tilmaamayaan sadaal ah in xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadii la riday laga yaabo in aanay soo noqon.
Puntlandi
Nairobi