Wararka ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegaya in Gudoomihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan uu kasoo dhex muuqan doono liiska Golaha Wasiirada Cusub er Puntland.
Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Galan uu noqon doono midkood Wasiirka Arimaha Gudaha- ama Wasiirka Amniga Puntland.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan waxaa lagu xasuustaa Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Bari oo uu shaqooyin badan ka Qabtey Gobolka, Madaxweyne Gaas markuu Xilka la wareegayna wuxuu noqdey Mucaarad hubeysan oo aad ugasoo horjeedey Xukuumada Madaxweyne Gaas, Sanadkii hore dabayaaqadiisii atju Galan Hubka dhigay wuxuuna heshiis is afgarad ah la galay Xukuumada.
Gudoomiye Galan wuxuu hada warka u saaran yahay inuu ka mid noqdaan Xukuumada cusub ee Madaxweyne Gaas uu soo wado.
Puntlandi.com
Garowe