Arrimaha ay dad badan oo reer Puntland ah ay isweydiinayaan waqtigaan la joogo ayaa nooqtay sababta ay ku timid iyo waxa keenay in hal mar la rido Xukuumada.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, arrintan ayaa salka ku haysa is-mari waa dhexmaray Guddi ay dirsadeen Barlamanka Puntland oo u tagay Madaxweynaha si ay ugala niqaashaan lacag 15 Milyan ah oo deeq ahaan looga helay waddanka Imaaraadka.
Guddigan ay soo wakiisheen 66 mudane ee golaha shacabka ayaa raadinayay inay qoondada ay ka heli karaan lacagtaas, ogow lacagtaas qayb ka mid ah waxaa mar hore lagu bixiyay dhismayaasha Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wadada Ceel-daahir, taasoo Madaxweynuhu amray in lagu kabo barnaamijyadaas.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha weydiiyay sida ay noo sheegayso xogtu halka lacagta intii soo hartay ay ku baxday, wuxuuna si faah faahsan uga waramay goobaha lagu bixiyay, balse Baarlamaanku kuma uusan qancin hadalka Madaxweynaha waxayna si toosa u dalbadeen in Hilibka cadkooda lasiiyo, waxayna dalbadeen Aduun gaaraya 6 milyan.
Madaxweyne Gaas, ayaase Mas’uuliyiintii lasoo wakiishay u sheegay inuusan lacagtaas hayn oo uu ku bixiyay hormarinta waddanka iyo kor u qaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha, mid ka mid ah Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha ku yiri ‘Madaxweyne noo cadee lacagta intii Garoonka iyo wada loo qoondeeyey maaheee intii kale xagee u qoondeysay ama sy ku baxday, Madaxweynu wax jawaaba kama uusan bixin su’aashass.
Xogtan oo ay bixiyeen mas’uuliyiin katirsan laamaha arrintani khusayso ayaa intaas ku daraysa in Xildhibaanada Puntland ku goodiyeen inay Mooshin kalsooni kala noqosho ah ay ka keeni doonaan Madaxweynaha maadama uu bixin waayay laaluushkii laga raadinayay.
Talo ay isugu noqdeen Xildhibaanada Puntland, waxay isku raaceen inay ridaan Xukuumadda si loogu xumeeyo Madaxweynaha oo waqtigiisu ka harsanyahay Sannad iyo Bar, tallaabadaas oo ay ku dhaqaaqeen.
Arrintan oo lagusoo beegay xilli xaalad adag ay ku jirto Puntland, ayaa dadweynuhu siyaabo kala duwan u fasireen, waxaana laga muujiyay walaac iyo dib u dhac siyaasadeed oo ay Puntland cagta saartay, waxaana aad loogu falanqeeyay goobaha bulshadu ku kulanto, warbaahinta gudaha iyo caalamka intaba.
Wasiirrada la kala diray ayaa qaybtood hormuud ka haa Guddiyo loo xilsaaray soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo, qaban qaabada Xafladda 1 Augousto ee Aas-aaska Puntland iyo kuwo qiimayn ku waday weerarkii lagu qaaday Tuulada af-urur oo lagu dilay ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland.
Go’aankan oo taariikhda markii ugu horaysay ay ku dhaqaaqeen Xildhibaanada Puntland, ayaa Madaxweyne Gaas ku tilmaamay mid dastuuri ah, isagoo sheegay in mudada uu haysto oo dhan 21 cisho uu kusoo dhisi doono xukuumad cusub, ogow hadalkaan Madaxweynaha wuxuu ahaa mid Shacabka lagu maaweelinayo, Waxaana si hoose durba u bilowday gorgortan u dhexeeya Villa Garowe iyo Baarlamaanka, intaas qaata iyo intaas qaata, Ilaa maantana waxaa socda gorgortankaas.
Shalay Baarlamaanku waxay dalbadeen in lasiiyo 3 Milyan, Markay lacagtaas helaana waxay aqbalayaan inuu Madaxweynuhu soo dhiso Xukuumad ka kooban Xukuumadii hore oo dhowr Wasiir laga badalay, Madaxtooyaduna Way diiday codsigaan.
Wararkii u dambeeyay waxay hada sheegayaan in Baarlamaanka ruuxiisa ay laba u qayb San yihiin, Koox horey ugu kacsanaa Madaxweynaha oo gaaraya hada Sodomeeye, Dhinacna lacag Raadis ah iyo Koox lacag uun raadineysa.
Madaxtooyada waxaa iyana kasocda wada hadal iyo dadaal loogu jiro in Xildhibaanadu xoogaa lacag ah lagu qanciyo.
Wixii soo kordha Waan idinla eadaageynaa.
Puntlandi.com
Garowe