Shirkii Brussels ee Arimaha Soomaaliya looga hadlayay 16 Sep.2013 ayaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, ay kamid ahaayeen Arimaha Federaalka iyo Dhismaha Maamulada dalka, Sidii Qarankii Soomaaliya dib loogusoo Celin lahaa iyo Xawaaladaha.
Madaxweyne Faroole ayaa soo jeediyey in loo bahan yahay in la sameeyo heshiis Siyaasadeed oo ku mudaysan 18 bilood si loo dadajiyo dhismaha Maamul Goboleedyada Federaalka, Dhamaystirka Dastuurka Federaalka iyo in dhamaan Dalka Soomaaliya oo laga hirgaliyo Nidaamka Federaalka.
Wuxuu kaloo Madaxweyne Faroole uu Khudbadiisa ku sheegey in laga hortago xayiraada la saarayo xawilaadaha taasoo carqabad ku noqonaysa nolosha Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha iyo Dibadaba.
Hoos ka dhagayso khudbadii oo la sharaxayo: