Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

OGEYSIIS KU SOCDA REER OHIO:— Mudaharaad looga soo horjeedo Madaxweynaha DF Xasan Sheikh oo imanaya Ohio

$
0
0


Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu dhowaan booqasho aan shaqo ahayn ku tagayaa Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka, wuxuu halkaas kula kulmayaa Qaybo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed, halka qaybo kale ay Madaxweynaha kaga hortagayaan Mudaharaad balaaran oo ay ku muujinayaan in Madaxweynuhu uu ka leexdey Wadadii loo igmaday.

Mudahaardkaan oo ah mid balaaran si wayna loo soo agaasimay waxaa lagu muujinayaa in Madaxweyne Xasan Sheikh uu magac ahaan wato magaca Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed lakiin xaqiiqda marka la eego xaqiiqda jirta iyo habdhaqankiisa wuxuu ku sifeysan yahay inuu yahay Madaxweynaha Maamul Gobeleedka Qayb ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa Tusaale kuugu filan Madaxweyne Xasan Sheikh Dadka ku xeeran iyo Shaqaalaha Villa Soomaaliya oo ah reerkiisa oo qura, ma la oran karaa Villa Soomaaliya waa Madaxtooyo Qaran

Kasoo qaybgal Mudaharaadkaan hoosna ka daalaco macluumaadka Mudaharaadka oo dhici doona 22 sep.2013


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles