Alla jadnatul fardowsa haka waraabiyee waxaa maanta Caasimada Dalka Sweden ee Stockholm ku geeriyooday Marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle oo ka mid ahaa Isimada Puntland.
Jaaliyadaha Puntland ee Sweden iyo Danmark ayaa siwada jir ah uga tacsiyeynaya geerida Fiqiga,
Fiqi Bashiir wuxuu kamid ahaa Isimada Puntland lagasoo bilaabo bishii Janaayo 2013kii , xiligaas kadib wuxuu ahaa Isin aad uga qayb qaata nabadeynta Puntland, Mudooyinkii dambe Fiqigu wuxuu ku maqnaa jiro.
Waxaa Tacsi gaara loo dirayaa Ehelkii iyo Qaraabadiisa iyo Guud ahaan Shacabka Puntland geerida ku timid Alla ha naxariistee Fiqi Bashiir Cabdulle Codweyn.
Aaaamiiin Aaaaamiin
Sida ay Puntlandi kasoo xigteen Jaaliyada Sweden Marxuumka waxaa lagu aasayaa Puntland.
Masuuliyiinta iyo howlwadeenada Puntlandi waxay ka tacsiyeynayaan Geerida Fiqiga.