Xafiiska Arimaha Dibada ee UK ayaa digniin wuxuu kasoo saasray Xaalada Soomaaliland oo ay ku tilmaameen mid khatar ah.
Xafiisku wuxuu hoosta ka xariiqay oo uga digay Dadka Ingiriiska ku abtirsada oo dhalashadooda haysta ineysan u ssfrin Soomaaliland khaasatan Hargeysa iyo Berbera, Hadii ay jiraan Dad ku sugan Soomaaliland ay iyana degdeg uga baxaan.
“Soomaaliland waxay khatar ugu jirtaa iney ka dhacaan weeraro Argagixiso iyo in Afduub loogu geysto Dadka, Sidaas awgeed Dadka haysta Dhalashada Ingiriiska waa iney deg deg isagasoo baxaan, kuwa qorsheynaya iney aadaana waa iney ka joogaan ” waxaa sidaas lagu daabacay Digniinta uu soo saaray The Foreign and Commonwealth Office (FCO) .
Digniinta waxaa kaloo la farayaa Dadka Britishka iney la xiriiraan Safaarada UK ee Muqdisho (UK High Commission in Muqdisho) hadii ay Soomaaliland kula kulmaan Xarig ama in Loo xanibo wax xoriyadooda ka baxsan.
Hadii aad UK joogta aadna kawalwalayso Ehelkaaga ama Qof aad taqaan oo British ah oo xiligaan ku sugan Soomaaliland waxaad Wici kartaa Xafiiska Arimaha Dibada UK 020 7008 1500 .
Guud ahan Soomaaliyana waa looga digety Dadka haysta dhalashada UK inay u safraan Xiligaan.
Digniintaan ayaa kusoo beegmaysa Xili kumanaan Soomaali ah oo degan UK ay isu diyaarinayaan iney Fasaxa kulaylaha ee Iskuulada la xiro ay u caano tagaan Soomaaliya,khaasatan Hargeysa iyo Berbera, Labadaan Magaalo sigaara ayaa looga digay Dadka UK iney u safraan.
Puntlandi
London