Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Itoobiya oo u ololeyneysa in Ciidankeeda Jooga Soomaaliya ay kawadaa mid noqdaan Amisom iyo Soomaaliya oo ogolaatay

$
0
0

Warar dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa shaagaya in Dowlada Itoobiya ay dalbatay in Ciidankeeda Kusugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay kawadaa mid noqdaan Ciidamada Amisom.

Ciidamada Itooboya ee Soomaaliya jooga 60% qayb kama ahan Amisom, Ciidamadooda jooga Soomaaliya ee aan qaybta ka ahayd Anisom waxaa dhaqaalohooda bixiya Dowlada Itoobiya balse hada waxay Itoobiya doonayaan in ay dhaqaale u helan Ciidankooda jooga Soomaaliya.

Kulankii dhowaan Adis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ujeedkiisa ugu weyn wuxuu ahaa in Soomaaliya laga dhaadhiciyo in ay Itoobiya ku taageeraan in Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan Amisom lagu kordhiyo ugu yaraan 5000(shan kun) oo Askari,kuwasoo hada ku sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya balse aan qayb ka ahayn Xoogaga Amisom.

Sida Puntlandi xogta ku hayaan Qorshahaan ayaa Itoobiya ay la tagaysaa Shirka London, Soomaaliyana Way ka ogolaatay iney ku taageeraan.

Puntlandi
Adis ababa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles