Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay Minnisoto

$
0
0



Markii u horeysay Mudo 30 sano ah ayaa hada waxaa Maraykanka ka dilaacay cudurka Jadeecada oo ku dhaca Caruurta.

Ilaa hada sodomeeye Ciyaal Soomaaliyeed ah ayaa cudurkaan lagu arkay waxaana loo aanaynayaa Soomaalida oo bandanaa aan Caruurtooda Talaalin.

Caruurta Cudurka Jadeecada laga helay was ciyaal ku dhashay Maraykanka.

Mudo hada laga joogo 30 sano ayaa cudurkaan uu ka dilaacay Maraykanka xiligas Wixii ka dambeeyey waxaa lasoo rogay in ciyaalka laga talaalo marka ay yaryihiin tasoo guul weyn laga gaaray.

In cudurkaan uu soo laabto waxaa keenay waalidka oo aan caruurtooda Talaalin, waana Cudurka ay Caruurtu isku daartaan.

Waxaa lagu boorinayaa Waalidiinta Soomaalida ee jaaniska bilaashka ah u heysta iney Caruurtooda ka talaalaan cudurada iney ka faa’iideytaan inteysan habsann noqon,mana ahan oo kaliya Jadeecada cudurada laga talaalo caruurta ee waxaa jira Cuduro badan.

Nasiib wanaag wadamada qaar waxaa jira in halmar Caruurta laga talaalo cuduro badan(Hal Irbad).

Puntlandi
USA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles