Isbitaalkii ugu weynaa Soomaaliya waxaa lagu wareejiyey Turkiga (Digfeer), Dekada Muqdisho Waxaa lagu wareejiyey Shirkad Turki ah,Garoonka Diyaaradaha Sidoo kale.
Duleedka Muqdisho waxaa Turkiga laga siiyey Dhul balaaran oo ay ka sameystaan Saldhig Ciidan halkasoo ay hadda ku tababartaan Ciidan iyaga u gaara ah.
Baarlamaanka Federaalku marnaba kama hadlin Heshiisyada Turkiga, iskaba daa xukuumadee.
Turkigu wuxuu Kaalmo Dhaqaale iyo mid lacageedba ku harqiyey Muqdisho, Halka Dowlada Emaaraatku ay tan iyo burburkii Soomaaliya ay ahayd Dowlada Kaliya ee Soomaaliya u ogolaatey in ay Isku Xirmaan Soomaaliya iyo Caalamka(Duulimaadyada Rayidka iyo Ganacsigaba), waxay kaloo mashaariic farabadan ku kaalmeeyeen Soomaaliya.
Maalmahaan Waxaa Muqdisho ka bilowday olole Siyaasadeysan oo looga soo horjeedo heshiiska Dekada Berbera,kaas oo ku xasuusinaya Brobogaandadii iyo qiiq isku qarintii qabiil ee xiligii maxaakiimadaha ” Itoobiya waa cadowgeena oo Dalkii Bay qabsatay”.
Xeendaabka Xalane
Shacabi warkiis iska daaye Madaxda Soomaalidu cag ma dhigi karaan Dhul xeebeedka Xalane, oo ah deegaan Muqdisho ku yaal laakiin gacanta ugu jira shisheeye aan la heybgaraneyn. Shacab iyo Siyaasi cid ka hadli kartana ma jirto.
Caqliga iyo ololaha naceybka salka ku haya ee ka socda Muqdishu waa mid lagu doonayo in nolosha dadka iyo hormarka ummada somaaliyeed lagu curyaamiyo.
Wali waxaa Xamar laga xiiseynayaa oo lagu fekerayaa in nolosha dadka somaaliyeed oo dhan laga xukumo Magaalada Muqdisho,dalka intiisa kalena gaajo iyo fakhri lagu dilo.
Waxaa weli dagaal aan dhamaad laheyn oo aan caqli ku fadhiyin lagula jiraa nidaaamka federaalka ah ee wakhtigan xalka u ah dalkan Somaaliya ee colaada iyo dagaalada sokeeye reer walba Somaaliyeed ee aan Hawiye ka aheyn looga barakiciyey caasimada dalka ee Muqdishu.
Siyaasada iyo ololayaasha siyaasadeed ee xamar laga wado ayaa ah ayaa ku qotoma in dalka mar kale lagu soo jujuubo nidaamkii Centeraalka ahaa ee Xukuumadii dhexe ee somaaliyeed u keentay Burburka,dalka iyo dadkana Baa’ba iyo colaada u horseeday,taas oo aheyd in kooxo dhiigyo cab ahi awooda dhan ay ku soo uruuriyaan hal magaalo oo aheyd Muqdisho.
Nidamka hadda loo guuxayo ee Centeralka ahi wuxuu aakhirkii burburay sannadkii 1991, waana habeenkii xalay ahaa oo tegay inuu mar dambe soo noqdaan koox dhiigmiirato ah oo aaminsan nidaam kaligii talsnimo ahi awooda dalka mar kale ku afduubaan, god waarabna ay ka dhigtaan Muqdishu, si ay dalka iyo dadka somaaliyeed u gumeeyaan.
Waxaan shaki ku jirin in ay cawaaqib xumo qalfsani ka dhalan doonto hagardaamooyinkaa iyo shirqoolada looga soo horjeedo dastuurka qabyada ah ee dalka iyo nidaamka Federaalka ah ee ummada soomaliyeed maanta ku kala nabad gashay,nidaamkaas oo xal u noqday wakhtigan xaadirka in barkacayaashi Muqdisho lagu soo xasuuqay ay dib ugu noqdaan,nololna dib uga abuuraan degaanadii ay ka soo jedaan, kuwaas oo laga timaami karo oo ay ugu waaweyn yihiin degaanada Puntland,Somaliland iyo Jubbaland.
Waxaa yaab leh in Xukuumad kasta oo magaalada Muqdishu marti u noqotaba ay afduubaan oo ay hogaanka u qabtaan kooxo abaabulan oo lid ku ah,dagaalna kula jira dastuurka dalka,nidaamka Fedaraalka iyo maamulada dalka ka jira.
Dhamaan talaabooyinkaa guracan ee looga soo horjeedo nolosha iyo horumarka dhaqaale iyo mida nabadgalyo ee ka socda maamulada dalka ka jiraa waxay dalka dib ugu celineysaa colaadii sokeeye iyo kala fogaanshe siyaadadeed oo mar kale ka curta dalka.
Waxaa waajib ah i shacbiga Puntland iyo midka maamulada dalka ka jiraa u diyaar garoobaan aafadaa iyo shirqoolaadaa siyaasadeed ee Magaalada Muqdishu laga maleegayo, kuwaas oo ujeedadiisuna tahay in Magaalada Muqdisho marti loo noqdo, kaligeedna lagu koobo,laguna cuno dhamaan gargaarka iyo deeqaha caalamiga ee loogu tala galay dibu dhiska iyo horumarinta ummada Somaaliyeed.
Waxynu ka dheregsan nahay in xukuumadaha dalka isaga dambeeyey ay garashadooda iyo qorshayaashooda waxqabad ku eg yahay xaafada magaalada muqdishu oo kaliya.
Tusaale waxaa kugu filan dawlada Federaalku waxay mushaharoohinka ciidanka ee Beesha Caalamku bixiso kaliya ku bixiyaan oo siyaan maleeshiyooyinka ciidan beekeedka Muqdisho sida kuwa Xoogga,Booliska,nabadsugid iyo asluubta,dalka intiisa kale marka laga reebo kuwo ay isku Jaalja yihiin ee Galmudug mooye,maamul kale waxba deeqahaas Beesha Caalamku bixiyo lagma gaarsiiyo.
Sidoo dhamaan mashaaricda horumarineed ay Beesha Caalamku iyo dawladaha Turkey iyo Carabahu ummada soomaliyeed ugu deeqeen sida Cisbitaalada,Schoolada, dayacyirka wadooyinku,deeqaha waxbarasho dhamaantood Magaalada Xamar ma soo dhafaan.
Waa nasiib daro in kooxaha dhiigmiiratada ah ee waxaas oo sadbursi ah boobka ku haystaa ay weli u xaydan yihiin dagaal ay ugu jiraan in ay burburiyaan dhamaan maamulada dalka ka jira,si ay dalka mar kale ugu soo celiyaan nidaam kaligii talis ahaa ee ummada Somaaliyeed iska xoreysay ,kaas oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.
Faalada todobaadkA
Puntlandi.com