Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Digreetada uu Trupm ku manuucay 7 Dal oo Maraykanka gilgishay, Boqolaal deganaa Maraykanka oo Garoomada Diyaaradaha ku xaniman

$
0
0

IMG_0268
Saxaafadaha Maraykanka iyo Ururada u doona Xuquuqul Aadamaha ayaa aad u hadal haya Go’aankii uu Trump ku manuucay iney Maraykanka Soo galaan Dadka u dhashay Soomaaliya,Yemen,Iiraan,Ciraaq, Liibiya ,Sudan iyo Siiriya.

Arint buuqa dhalisay ayaa ah in xitaa ay go’aankaan ay ku jiraan Dadka ka yimid Dalalkaan ee horay u deganaa Maraykanka ee Haysta GreenCard-ka.

Boqolaal qof oo Green kaar heysta Dalkana dibada uga maqnaa oo labadii maalin ee lasoo dhaafay kusoo laaban lahaa Guryohooda ayaa waxay ku xaniman yihiin Garoomada, Waxaana loo diiday iney Soo galaan Dalka.

Inkasso Maxkamad ku tal Brooklyn New York ay shalay Soo Saartey go’aan lagu xanimayo Dogreetadii Trump una ogolaaneysa Dadka heysta Green kaarka ay Soo gali karaan, Laakiin go’aanka Maxkamada waxaa iyana ka hor timid Wasaarada Annika Gudaha (Homeland Security) sheegay iney socodsiinayaan Go’aankii Trump.

Garyaqaano iyo Siyaasiyiin badan ayaa iyana kasoo hor jeestey go’aanka Trump.

Ilaa hada 8 Soomaali ah ayaa go’aankaan qabtey kuwasoo heysta Green kaarka, Waxayna ku xayiran yihiin 3 garoon Diyaaradeed oo ku yaal Maraykanka.

Puntlandi.com
USA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles