Shirka Muqdisho uga furmay Maamul Goboleedyada ayaa ah mid ay dalbadeen Beesha Caalamka oo ka walwalsan Qaabka loo maareeyey Soo xulida Xildhibaanada Aqalka hoose.
Beesha Caalamku waxay ka caroodeen Xildhibaano si xoog iyo Musuq maasuq ah ku soo galay Golaha Shacabka ee cusub.
Kulankaan waxaa Maamul Goboleedyada la hor dhigi doonaa Canaan adag, Warar hoose oo Puntlandi heleen waxay tibaaxayaan in Beesha Caalamku ay muujin doonaan in dulqaadkii ka dhamaaday, Waxayna hanjabaad muuqata u gudbin doonaan Shaqsiyaad ay dareen san yihiin iney ku lug leeyihiin Musuq maasuqa iyo awooda loo adeegsanayo Doorashada.
Warar kale ooDublamaasiyadeed ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Beesha Caalamku ay ku hanjabi doonto iney talaabo dhaqaale iyo mid Xayiraad Safareed ah ay kusoo rogi doonaan shaqsiyaadka Qaska ka dhex wada Doorashada.
Dhinaca kalena Madaxda Maamul Goboleedyada oo masuuliyad dheeraad ah la saarey ayaa loo muujin doonaa iney si qaldan u adeegsadeen Masuuliyadaas, Iyadoo qaarkood ay ka mid noqdeen raga qaska ka dhex wada Soo xulida Xildhibaanada.
Maxaa loo hakiyey Soo xulidii Wakiilada Soomaaliland.
Marka lagasoo tago musuq maasuqa iyo awooda loo adeegsadey Soo xulidii Xildhibaanada labada Maamul ee Horshabeele iyo Galmudug, Waxaa mid taa ka daran hareeyey Soo xulida Xildhibaanada Soomaaliland.
Ergada soo xulaysa Xildhibaanada, musharixiinta tartamaya Xildhibaanada iyo Villa Soomaaliya oo isku dhex milan ayaa waxaa hareeyey buuq iyo isqabqabsi xoogan kasoo aakhirkii dhaliyey in Qarax siyaasadeed uu ka dhex qarxo, Waxayna gaareen heer ay ku sigtaan in kuraas iyo kabo la isla dhaco.
Sida wararka ay ku helayaan Jowlwadeenada Puntlandi waxaa arinta si toosa usoo fara galiyay Beesha Caalamka oo Gudiga Doorashada ku amartay iney qaadaan Talaabo muuqata.
Taas ayaana keentey in Gudiga Doorashada ay hakiyaan Doorashada Xubnaha SoomaaliLand.
Kulanka maantana waa looga hadlayaa arintaas.
Puntlandi kala soco wixii soo kordha.
Puntlandi.com
Muqdisho/Nairobi