Jaaliyadaha Puntland ee Qaarada Yurub ayaa kulan uga Socdaa Caasimada labaad ee Denmark Magaalada Aarhus.
Kulanka oo shalay furmay ayaa ahaa maalinta kowaad mid albaabadu u xiran yahay oo ay ka qayb galayeen oo qura Masuuliyiinta Jaaliyadaha, Halka maanta oo Axada uu yahay mid albaabadu u furan yahay.
Shirku sidee ku furmay shalay oo sabti ahayd
Jaaliyadaha Puntland ee Qaaarada Yurub ayaa waxay shalay oo taariikhdu ahayd 26 ka furmay shir ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha Puntland ee kala ah Holland,Denmark,Swizzerland,Gemany,Norway,Austria & Belgium.
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay marti sharaf aad u ballaaran oo isaga kala yimid 5 qaaradood ee adduunka,waxaana shirkaan ugu horrayn lag furay Ay’aadaha qur’aan ka kariim ka.waxaana akhriyey Sheikh Mohamed Aw Ciise Yusuf Shoode oo ka tiran Jaaliyada Puntland ee waqooyiga North Denmarka.
Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Saciid Daahir Dhimbil oo shirka furay, Wuxuuna mid mid u magacaabay Masuuliyiintii kasoo qayb galay Shirka oo ka socdey inta badan Wadamada Yurub.
Jabriil Qoobay oo ka mid ahaa dadkii soo qaban-qaabiyey,isla markaas-na ka mid ahaa dadkii wakhtiga Badan galiyey qab-soomida Shirkaan ay jaaliyadaha Puntland ee qaarada,wuxuuna u mahadceliyey dadkii soo Ajiibay & dadkii wakhtiga badan galiyey.
Af-hayeenka Jaaliyadda Puntland ee Dalka Jarmalka Mowliid ayaa sidoo kale Mowliid Bashiir Ahmed oo tusaale u soo qaatay Qoraa caan ah oo Bogg uu qoray hadda ka hor ku soo qaatay hoggaan ka & Ganacsiga waliba wax kasta oo la qabto oo la wanaajiyo waxa laga dhaxlo..asaga oo ku soo kufiyey.’’Ánagu haddan nahay Jaaliyada Puntland ee dalka Germany maal,maskax & muruqba waa taageeraynaa wixii ka soo baxa.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Belgium Mudane Ismail Ahmed Qaali oo as-na xoojiyey hadalkii ka horreeyey & waliba Ahmiyda Shirka maantay loo Fadhiyo wax dal & Dibad la ina ka sugayo wax ka soo baxa.
Mudane Siyaad Ali Jamac oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadada Puntland ee dalka Austria ayaa aad ugu Ammaanay Jaaliyadda Dalka Denmark da’daalka ay muujisay,wuxuu sida oo kale sheegay in cid kasta oo aan maantay joogin loo gacan haadiyo,isla markaas-na qof kasta la tuso in an cidla ka xigin,qostana Masuuliyad iska saaro,wax qabad muuq-na loo dhaqaaqo.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Swizzerland Mudane Mohamed Husein Jirde oo aad ugu dheeraday in maantay shirkaan qabsoomo & Xaaladaha uu soo maray.wuxuuna ugu danbayn sheegay in Jaaliyadda uu gudoomiyaha u yahy ay aad ugu faraxsan yihiin shirkaan.
Gudoomiyaha Jaaaliyadda Norway Xirsi Ali Mohamuud ayaa as-na ka mid ahaa dadkii ka hadlay.Afhayeen Jaaliyada Puntland ee daalka Holland mudane Mohamed Hassan Ali ayaa ugu horrayn u mahadceliyey dhammaan wafdiga ka socday jaaliyadaha Puntland ee qaarada Yurub.wuxuu sida kale Xubnaha ka codsaday in guddomiayah jaaliyada Puntland ee Holland uu Salaan uga sido Mudane Dahir Moahmed Said.
Aqoon yahan Mohamed Abdulkadir Husein Nuur Dirir oo ka mid ahaa dadkii shirka lagu casumay ayaa aad ugu dheeraday Ahmiyadda uu lee yahay shirka maantay u fadhino.
´´Waxaan aad ugu faraxsan-nahay in aan maantay idin kala soo qayb-galo shirkaan,waxaan aaminsannahay haddii aan maantay inta meesha fadhida la fariiso ay wax fiican ka soo baxaan,waxaana kaloo hadalka idin kugu darayaa Inta maqana waa in la raadiya.
Intaas kaddib waxaa codka Abwaanada ku hadlay Abwaan Ciiro Hassan Dr.Ligle,wixii sheegay in maantay uu aad ugu faraxsan yahayshirkaan,wuxuu kaloo sheegay.
´´ Haddii 10 sanno lagu qaraabanayey magaca Jaaliyadaha Puntland, waxaa maantay koobkaas jabiyey jaaliyada Puntland ee Denmark,waxaa kaloo xusay tix uu Alle ugu baryey ROOM-DOON.
Abwaan Said Abdulla Ali Ilweyn oo lahaa heestii haku Daggan Puntland ayaa ka hadlay goobta,wuxuuna ammaan Iyo boggaadin u soo jeediyey hoggaan jaaliydaha iyo bahda Saaxafadda.
Waxaa ka soo qayb-galay shirkaan bahda Saaxafada oo aan u kaal harrin,sidoo kale Guddoomiyaha Jaaliyadaha jubbaland ee North America mudane Abdiweli Ahmed Warsame.
Intaas kaddib waxaa la galay shirka qayb-tii labaad oo ah Agendaha,waxaa loo codeeyey tastuurkii uu ku shaqeyn lahaa midowga jaaliyadaha Pntland ee qaarada Yurub.
Shirkaan ayaa waxaa uu Socon Doonaa Muddo Labbo Cisho ah,