Waxaa Magaalada Nairobi ka dhacay Kulan ay kasoo qayb galeen Waxgaradka, siyaasiyiinta, Ganacsatada ka soo jeeda Gobbolka Mudug.
Kulanka ayaa looga hadley Dagaalada ka socda Gobolka Mudug iyadoo ay baaq kasoo saareen kulanka.
Kulanka waxaa ka Qayb galay Musharixiin u tartamaya Madsxweynaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin Cali Xaaji Warsame iyo Cabdinaasir Candille Maxamed.
Kulanka waxaa la isla meel dhigey in ay Dowlada Federaalku ay faraha kala baxdo Faragalinta ay ku heyso Wadahadalada nabada ee iman doona.
Hoos ka akhriso Qoddobadda Baaqa Nabadeed:
1. Xabad-joojin maamuladdu ku dhawaaqaan shuruud la’aan
2. Si xor ah oo ay u wadahadlaan waxgaradka degaanka oo ay iyagu ka heshiiyaan kana wadahadlaan.
3. Joojinta fara-gelinka uga imaneysaa bannaanka meel kasta oo ay ka imaneyso.
4. Media in aan la isu marin hadallo dhib iyo xanaf leh.
Sawirada hoos ka daawo
img src=”http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2016/10/IMG-20161027-WA0002.jpg” alt=”img-20161027-wa0002″ width=”800″ height=”510″ class=”alignleft size-full wp-image-253323″ />