Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay daboolka ka qaadey iney iyagu ka dambeeyaan Dagaalka ka socda Gaalkacyo.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Dowlada Sacuudiga ka dalbadey in Si deg deg ah loogu Daweeyo dhawacyo soo gaaray Ciidanka Qalabka sida oo ku dhawacmey Dagaal ay la galeen Al-shabasb, Ciodamada Madaxweynuhu ka hadlayo waa Maleeshiyaadkii ku dhawacmey Dagaalkii ay ku qaadeen Puntland,Waxayna tira ahaan gaarayaan 15.
Sacuudiga oo tixgalinaya Codsiga uga yimid Soomaaliya wuxuu soo diray Diyaarad Ambalaas ah, waxaana shalay loo qaadey Isbotaal ku yaal Sacuudiga.
Hada xaalku wuxuu marayaa in Kaarkii Dowlad nimada loo adeegsanayo qaab qabiil, Halka Siyaasiyiin Reer Puntland ah ama Madaxda Puntland ay u hanqal taagayaan Dowladnimo Soomaaliyeed.
Cadeynta dhawaca loo qaadey Sacuudiga oo laga dhigay Askar Qaran waxaan idiin soo gudbineynaa subaxa Arbacada.
Puntlandi.com
Garowe